Animation

Wasiir Odawaay oo ugu baaqay shiikh shaakir iyo kooxdiisa in ay baneeyaan caasimadda rasmiga ah ee Galmudug

no responses
Sunday September 25, 2016 - 11:53 under Somali News by admin
mqdefault

Wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka ee soomaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaay ayaa mar uu ku hadlayay munaasabada soo dhaweyn aheyd oo loogu sameeyay xarunta madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug ee Cadaado ayaa waxa uu sheegay in aan xiligaan loo baahneyn in dhiibadato lagu siigaliyo shacbiga ku nool deeganada Galmudug gaar ahaan Guriceel iyo Dhuusamareeb oo ay hada gacanta ku hayaan koox uu hogaamiyo shiikh shaakir.

Wasirka ayaa sheegay in ay dhamaatay xiligii caburinta iyo afduubka shacbiga soomaliyeed  loomana baahna  waxa ay hada ka wadaan shiikh shaakir iyo kooxdiisa oo sida aan lawada socono baryihii ugu danbeysay ay xarig iyo handaad ku wadeen bulshada deeganadaas degta gaar ahaan Ugaaska Odaysha iyo Ganacsatada oo haatan ay qaar kood u xiranyihiin kooxdaas.

waxaan markale ugu baaqayaa in ay dhamaatay xiligii qoriga wax lagu doonayay  dadka deegaanka waxa ay wax  ka dhisteen eyna wax ku leeyhiin Dowlada Goboleedka Galmudug  ayadaana kufilan deeqdana reer Galmudug oo dhan.

waxaad ogtihiin in hada lagu soo xulayo Cadaado Xildhibaanadii kumatali lahaa baarlamaanka federaalka soomaliya deeganada dhusamareeb iyo guriceel  shacabka deeganadaasna  iyaga ayaa  ayahooda in ka tashadaan u madaxbanaan sidaa darteed waxaa loo baahanyahay in aan lacaburin lana handadin lagana daayo go’doominta lagugu hayo dadka iyo caasimada lagu wada heshiiyay ee dhuusamareeb .

Markale waxaan ugu baqayaa in ay dadkooda reer galmudug dhinac ka sooracaan ayada ayaa nawada deeqda hadii aanahay reer Galmudug.

14453862_10205961883845005_595227973_o 14454076_10205961891325192_773588836_o 14370363_10205958003187991_5244511183254320704_n 1044499_10205957985987561_4634169064026737515_n 1 14453862_10205961883845005_595227973_o 14466988_10205961890805179_348370534_o 14446432_10205961891965208_360876829_o  1