Somali News

Wasiir labaad  oo katirsan xukuumadda Soomaaliya oo iscasilay.

Cabdullaahi Faarax Wehliye oo ahaa Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug, ahaana Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrmaha Gudaha ayaa ayaa ku dhawaawaqay in uu iska casilay Xilkii uu u haayay Xukumada Faderaalka Soomaaliya.

Weheliya oo maalmo hakor shaaciyay musharaxnimadiisa ayaa sheegay in uu uga mahadcelinayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Dhamaan Xukumada Soomaaliya wadashaqayntii dhexmartay sadexdii sanno ee la soo dhaafay.

Mr Weheliye Masharax Madaxweyne Galmudug waxa uu sheegay in uu sababta uu isku casilay ay tahay in uu doonayo in uu qabto xilka ugu sareeya Dowlad Goboleedka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa shir uu shalay ku qabtay Dhuusamareeb sheegay in Xukumadu ay faragelin toos ah ku heyso dhismaha maamulka Galmudug, isagoo tilmaamay in handadaad lagu hayo Xildhibaanada cusub ee la soo xulay Jimcihii tegay.

Mr Wehliye oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee maamulkan ayaa sheegay in xildhibaanada loogu hanjabay in xubinnimada baarlamaanka lagala noqonayo hadii ay xiriir toos ah ama xitaa Sallaaamaan musharixiinta aysan wadan Xukuumada.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrmaha Gudaha & Dib-u-heshiisiinta Somaliya, Cabdullaahi Wehliye Faarax oo galaangal muuqdo ku lahaa dib u heshiisiintii Xukumada iyo Ahlusunnada Galmudug ayaa ku baaqay in la joojiyo fara-gelinta lagu hayo dhismaha Galmudug.

Mr Weheliye ayaa ilo kala duwan oo sugan Dhuusamareeb Mustaqbal Radio u sheegeen in uu garab ka heleyo hogaanka Ahlusunna,hayeeshee Masuuliyiin kale ayaa aaminsan in Musharaxaan uu ku hari karo wax qaybsiga beehala ee 4.5.

Siyaasiyiin badan iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa hore Xukuumada Soomaaliya ugu eedeeyay in ay fara gelin toos ah ku heyso dhismaha Galmudug, iyadoo awoodeeda isugu geyneysa sidii ay halkaasi uga keeni leheyd natiijo ka qoslisa.

Related posts

TOP NEWS: Askarta Puntland ee ku soo Dhaawacantay Dagaalka Maanta ka dhacay Deeganka Deeganada Mudug oo la dhigay Cisbitaalka Galkacyo

admin

TOP NEWS: Akhriso K24 oo heshay Magacyada qaar ka mid ah dhaliyarada ka bad baaday doontii dhawaan ku dagtay bada u dhaxeysa talyaaniga iyo Masar

admin

DEG DEG: Ciidamada dowlada oo Xasuuq ka geystay Dhisme Jaamacadeed oo ku yaala magaalada muqdisho

admin