Arimaha Bulshada Kaydka Wararka Xulka ah Maqaalo Maqaalo iyo Warar Somali News

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Awqaafta & Arr Diinta ee xuukamadda Jamhuuriyadda Federaalka soomaaliyeed Hon Osman Aadan Dhubow ayaa maanta kaqeyb galay Kulan Duco iyo Qur’an Aqris ah

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Awqaafta & Arr Diinta ee xuukamadda Jamhuuriyadda Federaalka soomaaliyeed Hon Osman Aadan Dhubow ayaa maanta kaqeyb galay Kulan Duco iyo Qur’an Aqris ah oo Lagu qabtay Masjidka Sheikh Muxudiin Celi ee Dagmada karaan.
Kulankan oo ay ka qayb ahaayeen qaar ka mid ah culimada soomaaliyeed ayaa waxaa marka hore Qur’aan Aqris laga sameeyay iyada oo Umadda soomaaliyeed loogu duceeyay inuu ka badbaadiyo halista cudurkan Dunida aadka ugu faafay.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Dr.osman Adan Dhuubow oo ka hadlay kulanka ducada ka dib ayaa sheegay inay muhiim tahay in Allaah loo noqdo lagana fogaado dambiyada & macaasida.
Sheikh cali Sheikh Maxamuud ( sheikh Cali Dheere) agaasimaha waaxda Diinta ee wasaaradda ayaa asagana xusay in waqtigan loo baahanyahay in la badiyo ducada & Alla bariga maadaama hadda Dunidu wajahday halista cudurkan oo ay u taag waayeen Dowlado horumar wayn ka gaaray xagga farsamada casriga ah.
Gabagabadii kulanka ayuu wasiir ku xigeenka wasaaradda guddoonsiiyay maamulka masjidka Sheikh Muxudiin Celi deeq kutubo Qur’aan.

 

 

Related posts

DEG DEG: Guddoomiye ku xigeennada Baarlamaanka oo kasoo horjeestay Mooshinka Madaxweynaha laga keenay

admin

Xarakada Alshabaab oo sheegatey Masuuliyadda Weerarkii Cadaado

admin

Ogaysiis ku socda Jaaliyada Jubbaland iyo Gobolada dhexe ee Wadanka Holland.

admin