Animation

Wasiir ka tirsan Galmudug oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Galkacyo

no responses
Sunday November 22, 2015 - 4:27 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Dagaalka  saaka ka bilowday magaalada Galkacyo ayaa waxaa uu sababay geerida 4 qof iyo dhaawaca dad ku dhawo 20 qof, sidoo kale waxaa uu geystay burburka guryo u dhaw meelaha uu dagaalku  ka dhacay.

Marka laga soo tago in madaxda Puntland iyo Galmudug qaar ka mid ah ay hawada isku marinayaan hadalo dhiilo huwan, ayaa dhinaca kale waxaa jira madax labadaasi maamul ka kala tirsan oo dhanka nabada ku baaqaya, islamarkaana diidan in dagaalku uu sii socdo.

Wasiiru dowladaha caafimaadka Galmudug Ali Dahir Ciid oo la hadlayey Radio VOS ayaa waxaa uu ku baaqay in dagaalkaasi degdeg loo jooji islamarkaana miiska wadahadalka iyo wax iska weydiinta sababta dagaalkaasi la isugu yimaado.

“Dagaalka wiil ayaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, sidaasi darteed waxaan qabaa in dagaalka la joojiyo, oo wixii jira lagu xalliyo wadahadal-nabadeed” ayuu yiri Wasiir Ali Dahir Ciid.

Dhinaca kale, waxaa uu sheegay inay aad uga xun yihiin geerida iyo dhaawaca uu sababay dagaalkaasi, isagoona sheegay inuu tacsi u kala dirayo dhamaan ehelada ay ka tirsanaayeen dadkaasi ee labada dhinac kala ah Puntland iyo Galmudug.

“Waxaan u tacsiyeynayaa dhamaan ehelada ay gaartay geerida saaka uu sababay dagaalka Galkacyo, kuwa dhaawaca ahna waxaan alle uga baryayaa inuu siiyo caafimaad taam ah. ” ayuu yiri Wasiir Ali Dahir Ciid.

Ugu danbeyntii ayaa waxaa uu sheegay in 25 sano dagaal lagu soo jiray, oo iminka loo baahan yahay nabad kuwada noolaansho iyo isla shaqeyn labada maamul ah, balse aysan habooneyn dagaalo dib looga dhex huriyo dadka wada deggan Galkacyo. Waa sida uu hadalka u dhigay wasiir Ali Dahir Ciid’e .

Facebook Comments