Animation

Wasiir Jaangali : wali waa noosuuragali la’dahay Inaan lasoo wareegno Maamulka Hawada Soomaaliya.

no responses
Friday November 27, 2015 - 6:33 under Somali News by admin
mqdefault

Wasiirka Gaadiidka iyo Hawada sare ee Soomaaliya Cali Jaamac Jingili ayaa faah faahin ka bixiyay maamulka Hawada sare iyo waliba sababta wali gacanta Dowlada Federaalka loogu soo wareejin.

Wuxuu sheegay Wasiirka Gaadiidka iyo Hawada sare Mr Jingili iney si wanaagsan u socoto howsha,islamarkaana xaruntii maamulka hawada sare dhismo uu ku socdo,shaqaalihii xaruntaasina iyagana sidoo kale tababar la siinayo,isagoo dhanka kale sheegay in sababta maamulka Hawada loogu soo wareejin la’yahay Nairobi ay tahay cilad farsamo oo iyaga heysata.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay iney si rasmi ah ula soo wareegtay maamulka Hawada sare ee Soomaaliya oo in ka badan 20-sano laga maamulayay meel ka baxsan Soomaaliya gaar ahaan magaalada Nairobi,waxaana gacanta ku haya Hay’ada Jimciyada Qurumaha ka dhaxeeya.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa dhagax dhigay xarunta dhismaha maamulka Hawada sare,waxaana uu sheegay in guul taariikhi u tahay Soomaaliya mudo sanado ah ka dib iney hantaan maamulka Hawada sare.
Wasiirka Gaadiidka iyo Hawada sare ee Soomaaliya ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib shir uu kaga qeyb galay dalka Canada,kaasi oo intiisa badan looga hadlayay Duulimaadyada rayidka ah.