Somali News

Wasiir doonaya inuu iscasilo iyo Kheyre oo Diidan (Xiisad ka taagan Shirka Shidaalka London)

Warar hoose ayaa sheegaya in Xildhibaan Eng Cabdi Rashiid Maxamed Axmed oo ah Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu doonayo inuu iscasilo.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxda Dalka uu ku eedeeyay inay qabanayaan Shaqadii isaga loo igmaday wuxuuna sheegay in wasaaradiisa aysan waxba kala socan shirka looga hadlayo Shidaalka ee maalinta berri ka dhacaya magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka hor istaagay iscasilaada Wasiirka, maadaama ay fadeexad ku noqoneyso in Wasiirkii arrimahan ay quseeyeen uu Xilka iskaaga casilo arrin tuhun weyn laga qabo.

Waxaa Baraha Bulshada si weyn looga hadal hayaa in shirka berri furmaya lagu xaraashayo xirmooyinka (blocks) oo shidaalka Soomaaliya ka mid ah, walow war ay hore usoo saartay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanka ee Xukuumadda Soomaaliya ay ku beenisay in shirkaasi lagu xaraashayo Shidaalka Soomaaliya.

Kheyre ayaa ku qanciyay Wasiirka inuu ka laabto go’aankiisa, isagoo loo balanqaaday inuu kaalin weyn ku yeelan doono Heshiiska lala galayo Shirkada shidaalka ka qodeysa Soomaaliya.

Guddiga Kheyraadka Qaranka ee Aqalka Sare ayaa ka soo horjeestay shirka looga hadlayo Shidaalka ee berri ka furmaya magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyagoo sheegay in aan weli laga ansixin Baarlamaanka Sharcigii Batroolka iyo shuruucdii lagu maamuli lahaa soo saarista kheyraadka dalka.

Related posts

Magaalada Kismaayo oo Maalintii Shalay ay ka dhacday Dhacdo Naxdin ah oo aad Loo yaabay Kadib Markii Labo Nin oo Kamid ah Ergada soo Xuleysa Xildhibaanada ay……..

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Midowga Afrika oo War Cusub ka soo saaray Joogitaanka Ciidamada Amisom ee Soomaliya Si Cadna u sheegay in Dalka soomaliya ay Ka bixi doona Sanadka…….

Tifaftiraha K24

Madaxweyne Farmaajo oo maanta shir uga qayb galayo Kambaala