Somali News

Wasiir Beyle oo xarigga ka jaray xarumo cusub oo lagu qaado canshuuraha berriga

Waxaa maanta la daah-furay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya kaddib xarumahii canshuuraha degmooyinka Hawl wadaag iyo Hodan ee Gobolka Banaadir oo dib loo dhisay.

Xarumahaan oo dhawaan si casri ah loo dhisay oo laguu tallagalay hawlaha canshuur aruurinta ayaa waxaa si ramsi ah xarigga uga jaray Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo hadal ka jeediyay munaasabadda xariga looga jaray Seddexdaan xarumood ayaa sheegay in ay maanta sharaf u tahay in uu xarigga ka jaro xafiisyada canshuuraha degmooyinka Gobolka Banaadir ee Hawl wadaag, Hodan iyo Wadajir.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in ilaa 5 xarumood oo canshuur ah lagu dhisayo wajiga Koowaad, kuwaas oo qaarkood maanta la furay halka kuwa kalana dhismahooda uu gabo-gabo yahay.

“ Maanta labo xarumood ayaan xariga ka jarnay,  Shantaan xarumood waxaa wehliya machad loogu tala galay in lagu barto canshuuraha, maamul wanaaga iyo maamulka Maaliyadeed oo aan isna dhawaan xariga ka jari doono”. Ayuu yiri wasiirka Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in lacagaha lagu dhisay xarumaha maanta xariga laga jaray iyo kuwa dhismuhu ku socdo uu bixiyay Bangiga Horumarinta Afrika (Africa Development Bank), sidoo kalana Wasiirku waxa uu xusay in Bangigu balan qaaday in
ay kuwa kalena lacagtooda keeni doonaan si dowladda uga caawiyaan dhismahooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish oo isna muunasabadda ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanahay in maanta xarigga laga jaro xarumihii canshuuraha ee degmooyinka Gobolka Banaadir burburkii kaddib.

Related posts

SAWIRRO:- Xarrig Internet Oo Isku Xiraya Muqdisho iyo Boosaaso Oo soo Gaaray Galmudug.

Ahmed sudani

ONLF oo Go’aan ka gaartay Qadiyadda Dhulka Soomalida ee Itoobiya Hoostaga

admin

Dhageyso: Maxamad Xaashi Carabeey oo uga digay madaxda maamul goboleedyada in ay la saftaan Xaaf

admin