Somali News

Wasiir Beyle Oo La Kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil ka tirsan ciidanka, waxeyna ka wada hadleen dib u habeynta lagu sameeyay ciidamada.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in ciidamada ay u kordhiyeen lacag gaareysa 70 doolar laga bilaabo bisha Janaayo ee Sannadkaan 2020-ka.

“Dib-u-habeynta hey’adeheena amniga ayaa inoo sahashay guusha wadajirka ah ee heer gobol & heer Dowladeed.Guushaan dib-u-habeynta ah waxaa wehliya koror dhan $70 oo ah mushaarka Ciidanka oo aan bilownay bixinteeda laga bilaabo January 2020. Ciidamadeenu waa kuwa aad ugu qalma qadarin iyo taageero joogta ah in aan la garab istaagno”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Maaliyadda ayaa ugu dambeyn Alle uga baryay ciidamada Qaranka ee naftooda u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta inuu ku guuleeyo howlaha Qaranka ay u hayaan.

Related posts

Xasaasi: Itoobiya maxay uga dhigantahay booqashada farmaajo uu maanta ku tagaayo addis ababa??

Tifaftiraha K24

Warbixin: Kenya oo iyadoonan Safaradeeda furan Qusul u magacodey Kismaayo

admin

Akhriso: Nuxurka khudbaddii xasaasiga aheyd ee madaxweyne farmaajo uu maanta ka jeediyay shirka jaamacadda carabta

Tifaftiraha K24