Breaking News Somali News Top News

Muqaal:- Wasiir Aw-libaax oo Afur Sharaf u sameyay Dhalinyarada Kismaayo iyo Maxamed Diini ooo

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee maamulka Jubbaland Mudane, Maxamed Maxamuud Yusuf Aw Libaax,  ayaa casuumad afurin ah u sameeyay xubno ka tirsan dhalinyarada magaalada Kismaayo.

Wasiir  Aw Libaax oo casuumadaa hadal ka jeediyey ayaa balan qaaday in Wasaaradiisu ay la shaqeyn doono dhalinyarada , Wuxuuna dhalin yarada oga mahad celiyey sidii ay uga  soo qeyb galeenmarti qaadka Wasaarada.

“Waan ku faraxsanay in manta aan isbarano, oo aan isku nimaano. Ayuu yiri Wasiirka oo la hadlayey dhalin yarada, Wuxuuna hadalkiisa raaciyey “Waxayna wasaaradeydu idiin balan qaadeysa in ay Idiin sinaato — Idinlana shaqeyso.

Gudoomiyaha Ururka dhaliyarada Jubbaland, Cabduwahaab Bilaal Axmed,, oo markii la afuray ka dib, kulanka ka hadlay ayaa ka mahadceliyey casumaadii ay dhalinyaradu ka helaan Wasiirka Cusub ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha.

Sheekh Maxamed Sheekh Cali oo la yaqaano DIINI kana socday Madasha Islaamka [Islaam Forum] ayaa isna kulanka ka jeediyey maxaadaro lagu wacyo gelinayey dhalin yarad taas oo ay dhalinyarada si weyn ula dhaceen.

Diini oo Casumad ka helay Wasaarada Dhalinyarada ayaa waxaa uu hada Magaalada Kismaayo ka wada Wacyigalinta dhalinta Somaliyeed ee ku nool Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale Waxaa casuumadaasi ka qeyb galay Gudoomiyaha Gobalka Jubbada Hoose Mud. Cabdirashiid Cali Gooni iyo Xildhibaan Maxamed Cali oo ka tirsan Gudiga Dabagalka waxqabadka Wasaaradaha ee Baarlamaanka Jubbaland  waxaana labadan Masulba ay Wasaarada ku amaneen sida ay durba howshadi uga soo dhalashay.


dh-3 dh4

dh dh5 dh675113d78-12ba-4630-9d3b-39db53fd3789-640x480

Related posts

Madaxwaynaha Faransiiska Macron oo Trump “ku qanciyay” in ciidammada Maraykanku aysii joogaan Suuriya

gurey

Fadeexad cusub oo kusoo baxay gudoomiyaha bankiga dhexe ee DF Somalia….. (Maxay Tolow Salka Ku Heysaa??)

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Q,M oo Sheegtay in ay Macquul tahay in Badda Mediterranean-ka ee Koonfurta Talyaaniga ay ku Dhinteen in ka badan 700 oo Tahriibayaal ah Isbuucyadii la soo dhaafay

Tifaftiraha K24

1 comment

Comments are closed.