Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS oo Daahfurtay Mashruuca Ololaha Talaalka Ariga

0

Munaasabadan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumada Federaalka ah ee Soomaliya ayaa lagu daah furay Mashruuca Ololaha Talaalka Ariga ee Cudurada Jadeecada iyo furuqa si looga hortago Xanuunada ay sababaan, kasoo qeyb galay

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Madax ka socotay Ha’yadda FAO, Dhaqaatiir, Aqoonyahno iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaana ka qeyb galay kulankan oo aad loogu gorfeeyay muhiimada uu talaalku u leeyahay xoolaha gaar ahaan ariga.

Drs. Nuurto Sheekh Maxamuud oo ku hadashay magaca Ururada ka shaqeeya arrimaha Xoolaha ayaa sharaxday muhiimada uu talaalkan leeyahay iyo muddada uu socon doono.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaannada Xoolaha Maxamed Cumar Nuur ayaa sheegay inay farxad u tahay in sanadkii labaad daahfuraan talaalka xoolaha si loo helo xoolo caafimaad qaba oo lagu faa’iido.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Xildibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo kulanka soo xiray ayaa tilmaamay ineey ahmiyad weyn siinayaan sidii loo horumarin lahaa xoolaha oo ay dadka soomaaliyeed aad ugu tiirsanyihiin.

Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa dhinaca kale sheegay in ay wadaan dadaalo ku saabsan sidii dib loogu bilaabi lahaa xoolihii loo dhiifin jiray dalka Sacuudiga oo ay hada wadahadalo kula jiraan.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa xukuumada Soomaliya ayaa sanadkiiba laba jeer fulisa talaalka caafimaad qabka xoolaha, waxaana sanadkan  la filayaa in  xanuunada jadeecada iyo furuqa laga talaalo in kabadan Sideed iyo labaatan milyan oo ari ah oo ku dhaqan guud ahaan dalka.