Animation

Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo Wariye Jaamac Dabaraani u Jeedisay Digniin Adag

no responses
Wednesday November 11, 2015 - 4:14 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wasiirka warfaafinta Puntland oo xafiiskiisa ugu yeerey Nov 10,2015 wariye ka tirsan Talefishinka Somali Chanel ayaa u sheegey in dowlada dacwo ka tahay barnaamij lagu magacaabo Depraani-show iyo bogiisa Facebook.

Wariye Jamaac ayaa talefishinka Somali Chanel ka tabiya Barnamaamij loogu yeero Depraani show kaasoo lagu wareysto dad siyaasiyiin iyo kuwa kale oo magac leh.
Maxamad Xasan Soocade ayaa sidoo kale kulankaas ugu sheegey Jaamac Deprani in dowlada Puntland ka cabaneyso bartiisa Facebook iyo qoraalada uu ku soo qoro.
Wariyaha Somali channel Jaamac Deperani ayaa bartiisa facebook-ga kusoo daabacay qoraal ku saabsan in wasarada warfaafinta Puntland ku hanajabtey in shaqadiisa joojinayso.
Warbaahinta k2 ayaa Heshay Warar Sheegaya in wasiirka warfaafinta Puntland shardi ka dhigey hadii barnaamijkaas wariye Depraani rabo inuu tabiyo la soo socodsiiyo qofka laga wareysanayo si wasaarada u ansaxiso taasoo wariyuhu diidey.
Barnaamijka Depraani Show ayaa ka bilowdey talefeshinka Somali Chanel bishii August 22,2015 iyadoo ilaa hadda lagu wareystey Wasiirka amniga Jubland, madaxweynaha Jubland, afhayeenka dowlada Federaalka, Labo wakiil oo ka tirsan ururada siyaasada Kulmiye iyo Wadani ee Somaliland, Xildhibaan Siciid Samatar Surcad ka tirsan Barlamanka Puntland iyo wasiirka warfaafinta Puntland Soocade.
Xukuumada madaxweyne Gaas ayaa bilihii ugu dambeeyey xasaasiyad balaaran ka qaadey wararka saxaafada ka howlgasha Puntland iyo kuwa caalamiga ah kuwasoo ku eedeynayaan iney gudbinayaan hadalo ka dhan ah Puntland.
Wasaarada warfaafinta Puntland ayaa dhowaan qoraalo kala duwan ay soo saartey kaga joojisay shaqada idaacada VOA halka kuwo kale ee maxaliga ah la tagtey maxakamad balse wax lagu waayey.
Facebook Comments