Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug oo Caabudwaaq ka furtay Shir lagu heshiisiinayo Beelaha Gobolka Galgaduud

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Galmudug Maxamed Xayir Nuur ayaa maanta kulankaan ka daah furay Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, waxaana looga hadlayaa:- Dib u heshiisiinta, Xasiloonida iyo dhismaha Golaha Deegaanka.

Wasiir Xayir ayaa sheegay in saddexda qodob ee isdulsaaran loo kala hormarin doono sida ay ugu kala muhiimsan yihiin bulshada Deegaanka.

Odoyaasha Deegaanka oo xulis lagu soo sameeyay ayaa shirka ka qeyb galaya, waxa qorshuhu yahay in ay hordhac u noqdaan Sidii Maamulka Galmudug uu sheegay Dhismaha Gole Deegaan oo Doorasho ku yimaada.

Muddada uu shirkaan soconaya ka qeyb galayaasha iyo Maamulka Galmudug waxa ay isla meel dhigi doonaan sida dib u heshisiin loogu sameynayo iyo ka qeyb qaadashada Xasiloonida si bulshada loo gaarsiiyo in ay doortaan cidda ay doonaan.

Ka qeyb galayasha shirka ayaa sheegay in Maamulka Galmudug aanan kulankaan ka noqon mid kaliya bilawda balse aanan yeelan dhamaad, maamulka waxa ay si gaar ah ugu dalbadeen in ay ka gun-gaarto Cinwaanka Gogashada.

Maamulka Galmudug ayaa wada qorshe lagu sameynayo Gole Deegaan si maamulka loo gaarsiiyo Qeybaha hoose ee Bulshada.