DAAWO:Wasaaradda Arimaha Guduha Ee Dowladda Somaliya ayaa Muqdisho ugu soo Gabagabeysay Tababar mudo Labo maalin Socday Wariyaasha muqdisho.

0

Tababarkan oo ku Saabsanaa Hanaanka Tabinta Doorashooyinka  Ee 2020 ka iyo Doorka ay ku Yeelanayaan Warbaahinta oo ay ka Qeybgaleen Wariyaal Kala Matalayay Idaacadaha iyo Telefishinada iyo Websiteyda  Ayaa waxaa ka qeybgalay in ka badan 25 Wariye .

 

Waxaana Tababarkan ka hadlay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Federalka iyo Dib-u-heshiisiinta Ee Dowladda Somaliya Cali Maxamed Maxamuud Waxana uu Xusay in Wasaaradda ay Wado Qorshaha Dhismaha Sharciga Doorashooyinka oo ay Doonayaan in Warbaahinta ay ka qeybqaataan.

 

”Waxaan ka Shaqeyneynaa in Warbaahinta iyo Wariyaashaba Wasaaraddu ay Sare uqaadno Aqoontooda ku aadan Hanaanka Doorsha iyo Nuuca Doorasho Ee Dalka ka Dhacaya 2020 ”Ayuu yiri Agaasime Cali Maxamed Maxamuud .

 

Qaar ka mid Wariyaashii Tababarka ka Faa’iideystay ayaa u mahadceliyay Wasaaradda arimaha Gudaha Waxaana ay ku baaqeen in la joogyeeyo Tababarada Wasaaraddu ay siineyso.

 

Halkaan Ka Daawo Muuqaalka