Wasaaradda Amniga oo Ganacsatada Muqdisho uga digtay in ay qaataan Amarka Alshabaab.

0

Wasaaradda amniga xukuumadda soomalia ayaa digniin kasoo saartay amarro dhawaan la sheegay in Alshabaab ay kusoo rogeen garoomada yar yar ee salaxyada loo yaqaan ee ku yaala caasimadda muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda amniga c/casiis xildhibaan oo saxaafadda kula hadlay muqdisho ayaa sheegay in ay la socdaan in ganacsatadu ay lacago siiyaan alshabaab ayna haayaan liiska ganacsatada shabaabka siiya lacagaha.

Afhayeenka wuxuu uga digay milkiilayaasha garoomada salaxyada ee muqdisho ku yaala in ay qaataan amarka alshabaab oo garoomada ay xiraan wuxuuna sheegay in muqdisho aysan shabaab ka talin lana aqbali karin amar alshabaab xamar kusoo rogtay in uu dhaqan galo.

Alshabaab ayaa milkiilayaasha garoomada muqdisho ku amartay in ay xiraan garoomada ilaa amar dambe waxaana amarka alshabaab uu saameeyay inta badan garoomadii yar yaraa ee ku yiilay dagmooyinka muqdisho badankood.