Animation

Warqad Furan oo ku socota Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Dadban (Aqri)

no responses
Friday October 21, 2016 - 8:12 under Somali News by admin
mqdefault

Warqad Furan oo ku socota Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Dadban ee Dawladda Federalka Soomaaliya Abukaate, Cumar Maxamed Cabdulle.

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu,

Mudane Gudoomiye ugu horayn waxaan kugu salaamay salaam diiran oo kal iyo laab ah oo huwan xushmad iyo qadarin. Mudane Gudoomiye waxaan bogaadinayaa shaqada culus ee  dalka u haysaan adiga iyo gudigaagu, taasoo runtii ah shaqo adag oo aan cidkastaaba qaban karin ama lagu aamini karin, maadaama maanta ay tahay markii ugu horaysay ee mudo nus qarni ah ay dad Soomaaliyeed codkooda dhiibanayaan iyagoo dooranaya xildhibaanadii ku mateli lahaa Baarlmaanka Soomaaliya waloow ay wali tahay doorasho dadban oo aan dadkoo dhan ka wada qayb qaadan karin.

Mudane Gudoomiye sidaad xog-ogaalka u tahay dalkeena waxaa burburiyay cadaalad daro, eex iyo musuqmaasuq iyada oo ay taasi jirto ayaad noqotay qofka loo aaminay inuu hogaansho oo mas’uul ka noqdo doorashada dalka ka dhacaysa sannadkaan 2016, waxaan oran karnaa taasi mar waa nasiib wanaagsan iyo sharaf aad dalkaan ka heshay hadii aan dhinac kale ka eegno waa imtixaan, dhib iyo culays adag oo soo maray nolashaada.

Si kastaba ha ahaatee mudane Gudoomiye iyadoo aan qoraal la qoray lagu soo wada koobi karin duruufaha iyo golduleelooyinka ku xeeran doorashadaan hadana dhanka aan tabayo oo aan rabo inaan fariintayda kuugu soo gudbiyo waa arrinta ku aadan Anshaxa Xubinta Guddiga Doorasharashada (Commission member Ethics)  oo aydaan wali soo bandhigin, arintaas oo aan u arko inay qayb muhiim ah ka tahay kalsoonida lagu qabi karo dhexdhexaadnimada iyo cadaalada xubnaha gudigga doorashada.

Mudane Gudoomiye, xubnaha Guddiyada doorashada ee heer Federal iyo heer Dawlad goboleed oo ilaa 70 gaaraya waa lagama maarmaan inuu jiro xeer qeexaya anshaxooda iyo waxyaabaha ka xaaraanta ah hadii kale waxaa imaanaysa inay is hardiyaan dantii guud ee laydiin igmaday iyo danaha gaarka gaar ah arrinkaas oo ah waxa afka qalaad lagu yiraahdo Conflict of Interest, tuhunkaas oo ah mid hadaba ay dad badan qabaan, oo la sheegayo in xubno Guddiyada ku jira ay dhanka kalana u olalaynayaan oo musharixiin xildhibaano yihiin xubno qoysaskooda”immediate family member” ka mid ah sida xubin gudi doorasho xaaskiisuna xildhibaan u taagan tahay, xubin guddi doorasho oo wiilkiisu xildhibaan u taaganyahay, xubin gudi doorasho oo ninkeedu xildhibaan u taagan yahay IWM.

Mudane Gudoomiye waad iiga khibrad badantahay sharciga waxaanse la soconaa sharci ahaan ama wadamada caalamku siday u badanyihiin waxaa laga ilaaliya dadka doorashooyinka ka shaqaynaya inay wax saamayn ah ku yeeshaan natiijada doorashada si toos ah iyo si dadbanba mana jiro xeer ogolaan kara in dadka guddiga doorashada ah ay xubnaha qoyskoodunoqdaan musharxiin iyaguna ay garsooreyaal ka noqdaan. Mudane Gudoomiye waxaan fariintayda iyo taladayda ku soo koobayaa:

1. Mudane Gudoomiye, waa in degdeg loo soo saaro xeerka anshaxaha xubnaha guddiga doorashada oo dhamaystiran, haduu horay u jirayna bulshada si public ah loogu soo bandhigo.

2. Mudane Gudoomiye, waa in aan xubnaha guddiga doorashada ku jira loo ogolaan caruurtooda iyo xaasaskoodu inay u tartamaan Baarlamaanka.

3. Mudane Gudoomiye, waa in dhamaan xubnaha doorashadu shaaca ka qaadaan xogta ku saabsan noloshooda, dhaqaalahooda iyo qoskood, ugu danbayna la dhaariyo.

WA BILAAHI TOWFIIQ,

Qore: Khadiijo Xuseen Gacal
khadiijogacal@gmail.com