Animation

Wariye ka tirsanaay warbaahinta qaranka oo maanta ku geeriyooday cisbitaalku yaala magaalada nairobi

no responses
Saturday May 13, 2017 - 11:47 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Allaha u naxariistee waxaa maanta isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday wariye Maxamed Maxamuud Macalim ( MM Macalim) oo kamid ahaa shaqaalaha wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Wariye MM Macalim ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho hase ahaatee dhowaan ayaa loo qaaday dalka Kenya si halkaas loogu soo daweeyo, isagoona maanta ku geeriyooday isbitaalkii lagu dabiibeyay.

Allaha u naxariistee, wariye MM Macalim ayaa kamid ahaa rug cadaayaasha saxaafadeed ee  fara ku tiriska ah oo ka haray  wariyeyaashii hore ee Radio Muqidsho oo sanadahan dambe ka howlgalayay warbaahinta dowladda.