Breaking News Somali News Top News

Wariye Amiin C/Casiis oo xalay Gurigiisa lagala baxay (AQRI)

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka Magaaladaasi gurigiisa ay xalay kala baxeen Suxufi Amiin C/casiis Sheekh Cali oo ka mid ahaa Suxufiyiinta ka howlgala magaaladaasi.

Suxufigaan ayaa laga la baxay Hooygiisa, kadib markii ciidamo hubaysan ay u galeen, iyadoo ilaa hada aanan laga war haynin xaalada uu ku sugan yahay.

Lama oga sababta ka dambeysay in ciidamada ammaanka Suxufigaasi ay xalay kala baxaan gurigaasi.

Suxufi Amiin C/casiis Sheekh Cali, ayaa u shaqeeya Idaacadda Hiiraanweyn qaybta ku taalla Magaalada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan.

Masuuliyiinta Degmada Buulo burde kama aysan hadlin sababta ka dambeysay in xalay gurigiisa lagala baxo Suxufigaasi ka howlgalaayay Magaalada Buulo burde.

Related posts

Xaalad Deg Deg ah oo lagu soo Rogay Magaalada Baghdad ee Dalka Ciraaq Xili Rabshado ay ka socdaan

admin

DEGDEG: Ciidamo Farabadan oo kabaxey Magaalada Boosaaso kuna wajahan deegaanka.

admin

DAAWO: Xukuumada Soamaliya oo shaacisey in ay gabi ahaanba lagu soowareejin doono.

admin