Wariye Abdisamad Abdulkadir Farah oo ay koox hubeysan gurigiisa ku weerareen.

no responses
Saturday February 28, 2015 - 5:15 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Kooxo hubaysan ayaa xalay gurigiisa ku weeraray mid ka mid ah wariyaasha ka hawlgala magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wariye Abdisamad Abdulkadir Farah ayaa la sheegay in xalay saacaddu marki ay ahayd abbaare 12kii saqdi saqdi dhexe ay kooxo hubaysan oo aan la aqoonin ay weerar ku qaadeen gurigiisa oo ku yaala degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in weerarkaasi ay ku dhimatay gabar ay walaalo ahaayeen wariye Abdisamad .

Xilliga kooxdani ay weerarka ku soo qaadday wariyaha ayaa waxaa uu ku sugnaa gurigiisa oo uu la joogay qoyskiisa. Kooxda weerarka soo qaadday ayaa la sheegay inay iska caabin kala kulmeen ilaalada nin sakaal ah oo ka tirsan dawladda fedraalka Soomaaliya kaasoo ilaaladiisu ay difaac xoogan kala hor tageen mileeshiyada weerarka ku qaadday guriga wariyaha.

Wariyaha ayaa ka badbaaday weerarkaasi isagoona haatan uu caafimaad qabo, waxana wariyaha oo aan la xiriirnay isagoo ku sugan goob ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa noo sheegay in maalmo ka hor ay soo waceen rag uusan aqoon u lahayn iyagoona ka soo wcay Private Nomber ama No Nomber waxaana ay ugu hanjabeen in ay dili doonaan.

Wariyaal badan oo ka shaqeynayay qeybaha kala duwan ee warbaahinta ayaa loo geystay dhibaatooyin isugu jira dil dhaawac iyadoo qaar kalena ay isaga carareen waddanka.

 

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.