Wargeyska Daily Nation Oo Cinwaan Liita U Adeegsaday Guushii Ay 17-jirada Somalia Ka Gaareen Dhigooda Kenya

0

Guul darrada in ay qaraar tahay ayey hadda arkeen kenyaatiga wargeysa Daily Nation ee ka soo baxa dalka kenya cinwaanka uu ka qoray guul darradii xanuunka badneyd ee wiilasheena geesiyaasha ah ay dhabarka u sureen keenyaatiga.

“Soomaaliyada Liidata oo taranka CECAFA U17 kaga yaabisay Kenya” koleey ninka cinwaankaan qoray uma xuma nin qaraarsan oo laga adkaaday soomalia in ay liibaaxyadii africa aheyd dhankastaba wey ogyihiin kenyaatiga iyo afrikaanta kalaba waase leys baran doona bi’idnillaahi.

Tartanka wuxuu marayaa heerka afar dhamaadka, balse 20-kii April ayey aheyd markii wiilaha Somalida ay dhagta dhiiga u dareen dhigooda markii ay 1-0 ku dhufeen, waxana goolka qura ee lagu silciyay xulka tabarta yar ee dariska dhaliyay Farhaan Duqow oo ah da’yar ka tirsan kooxda Gaadiidka.

Xulka Somalia waxey la ciyaari doonaan Semi Final-ka taranka dhigooda Tanzania, halka Kenya ay la ciyaari doonaan dariskooda Uganda.

Macalin Salaad Faarax Xassan iyo Wiilashiisa waxey rajeynayaan iney koobka weyn keenaan dalka – kana soo dhex qaadaan wadamada dariska ah.