Animation

Wargeys ka soo Baxa kenya oo Fadeexeeyay Dowlada Dalkaasi kadib markii uuso Bandhigay Qasaaraha ka soo gaaray Xayiraadii Qaadka Soomaliya

no responses
Thursday September 15, 2016 - 3:15 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wargayska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in beeralayda qaadku u baxo ee dalka Kenya ay khasaareen lacag dhan 500 oo millyan oo lacagta Kenya ah muddo 7 cisho ah oo ay hakad galeen diyaaradihii qaadka Soomaaliya usoo qaadi jireen.

Afhayeen ay leeyihiin dallad ay ku midaysan yihiin ganacsatada iyo beeralayda qaadka oo la yiraahdo Kimathi Munjuri ayaa u sheegay wargeyska Daily Nation in muddada todobada cisho ah ay lumiyeen lacag badan oo malaayiin shilin ah sida uu yiri waxaana uu carabka ku dhuftay in lacagta ay khasaareen ay ka badan tahay 500 oo millyan oo lacagta Kenya ah.

Afhayeenkaan oo soo dhaweeyay xaniibada laga qaaday qaadka Soomaaliya loo soo qaado haddana dhanka kale waxaa uu xusay inay ka daahday oo ay qasaaro badan.

Kimathi Munjuri waxaa uu sheegay in maalintii shalay ay Muqdisho u soo direen 2 diyaaradood oo qaad sida taasna ay ku dhacday khasaaraha kasoo gaaray oo ay willi kasoo kaban la’yihiin .

“Kaliya 5 diyaaradood ayaa ka shaqaynaysay Soomaaliya tan iyo markii la ay dawlada Soomaaliya joojisay qaadka Sadexdii cisho ee u dambeysayna wax duulimaad ah ma jirin haddana beeralayda waxay wadaan is diyaarin” ayuu yiri Kimathi Munjuri oo u hadlay ganacsatada qaadka Kenya.

Afhayeenkaan waxaa uu sidoo kale sheegay beeralayda qaadka ay xataa maalmihii lasoo dhaafay joojiyeen abuurka qaadka sababtana waxay tahay suuq la’aan jirtay.

Sidoo kale beeralayda qaadka qaarkood oo iyana warbaahinta la hadlay waxaa ay sheegeen inay soo dhawaynayaan go’aanka ay dawlada Soomaaliya dib ugu fasaxday qaadka.