Animation

Warcusub :- Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo lagu wareejiyay …

no responses
Saturday September 10, 2016 - 6:52 under Breaking News by admin
mqdefault

Dhul baaxadiisa ay dhan tahay 16,080-Mitir isku wareeg ah oo laga dhisi doono Xarunta Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayuu Guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa magaalada Mudisho maanta ku wareejiyay Guddiga, iyadoo Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ay wehlinayeen Guddoomiye ku xigeenka iyo xubnaha kale ee Guddiga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay kormeer ku soo sameeyeen dhulkaasi oo dhismihiisa dhawaan la bilaabi doono.

Xarunta loo sameynayo Guddiga oo laga dhisayo agagaarka garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ayaa qarashka ku baxaya waxaa bixinaya Dowladda Japan iyo Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta mashaariicda ee magaceeda loosoo gaabiyo UNDP, wuxuuna dhismaha Xarunta socon doonaa mudo saddex sano ah.

Intaasi kadib ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan duqa Magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xalimoo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo si wadajir ah ula hadleen Warbaahinta Qaranka, waxaana Gudoomiye Yuusuf oo hadalka ku hormaray uu sheegay in ujeedka guddiga loo siiyay dhulkan ay tahay in shacabka iyo siyaasiyiinta dowladda ka madax banaan ay fursad uheelaan inay la macaamilaan Guddigan oo u xilsaaran hirgalinta Doorasha qof iyo cod ah oo la filayo in sanadka 2020 ay dalkeena ka dhacdo.

“Maanta dhulkaan aan guddiga doorashooyinaka Qaranka ku wareejinay wxuu dhan yahay 16,080 km square ah awalna dhulkana dannguud ayuu ahaa hadabna waa danguud waxcaana ugu talagalanay in gudigana Ummadda uu u dhexeeyo oo ay kasoo guuraan Madaxtooyada si mucaaradka iyo shacabkaba ay ula shaqeeyaan”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa baanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xalimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa dhankeeda u mahadcelisay Maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxda kale ee Dowladda iyo dhinacayada ka tagaeeraya dhismaha xarunta, waxayna talaabo wanaagsna ku tilmaamtay in Guddigu uu ku shaqeyn doono goob kabaxsan xarunta Madaxtooyada oo hada si KMG ah ay ugu shaqeeyaan.

“Waa u mahadcelineynaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo runtii qeyb fiican ka qaatay in gudigeena dhulkaan weyn lasiiyo madaxda Dowladda ayagana waa mahadsan yihijin, sida ay u garteen ,Dowladda Japan iyo hay’adda UNDP iyo UNSOM ayaa dhismahaan naga caawinaaya ayakanaa waa u mahadcelineynaa”ayay tiri Xaliimo Yareey.

vlcsnap-2016-09-10-15h53m06s103 vlcsnap-2016-09-10-15h58m28s40 vlcsnap-2016-09-10-16h00m46s186 vlcsnap-2016-09-10-16h03m33s59 vlcsnap-2016-09-10-16h05m18s87