Animation

Warculus ,Shiikh shaakir ciidamada dowlada waxaa ka buuxa Alshabaab

no responses
Tuesday October 4, 2016 - 8:16 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Hogaamiyaha kooxda hada maamusha magaalada dhuusamareeb ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay ka buuxaan alshabaab meelkasata oo ay jogaan,

waxaan aaminsanahay in ciidamada ay kumilanyihiin Alshabaab ayna dhacdo markasta in ay gumadaan shacbiga soomaliyeed , meelaha ay kubadanyihiin ayaa ah garoomada diyaaradah , dekeda magaalada muqdisho , hotelada iyo maamul goboleedyada dalka , sabata ay ugu bateen ayuu sheegay in aytahay dowlada oo maalgalisa Alshabaab kuna soo dartay shaqaalaha dowlada isla markaana ku qalada beesha caalamka in ay ladagaalamaan Alshabaab , maxaa maalinkasata loo xasuuqaa shacbiga soomaliyeed beena loogu sheegaa ayuu dhahay dowlaha dariska ah kuna hoolan taakuleynta shacbiga soomaliyeed.

waxa uu soo hadal qaaday dhacdadii dhawaan ka dhacday bariga magaalada Galkacyo oo ciidamada mareeykanka ay duqeyn xoogan ka geysteen isla markaana laguna  dilay ciidamo katirsan dowlad goboleedka soomaliyeed ee Galmudug  ayuu sheegay in ay aaminsanyihiin in dadka mareykanku bartilmaameedsaday uuna gumaaday ay ahaayeen Alshabaab , maadama mareeykanku uu shabaabka dagaal kula jiro loona bahanyahay in lagu garab istaago waa sida uu sheegay shiikh shaakir oo ah hogaamiyaha kooxda maamusha Dhuusamareeb.

Arinta shiikh shaakir ka dhawaajiyay ayaan la ogeyn waxuyabaha ka dhalankara maadaama arintaas mareeykanku geeystay ay keentay naceeyb xoogan shacbiga gobolada dhexe soomaliya

Facebook Comments