Animation

Warbixin+Sawiro:- DR Abdi Gele Waa aqoon yahan kudayasho mudan

no responses
Tuesday December 1, 2015 - 2:01 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dr Abdi Gele waa aqoon yahan soomaaliyeed oo kunool wadamada galbeedka gaar ahaan wadanka Norway.Dr Gele waxa uu aqoontiisa kusoo qaatay afrika iyo wadankan.waxa uu noqday xidig kudayasho mudan oo kasoo dhexmuuqday,ajinabiga kunool dalka Norway iyo guud ahaanba dalkan. Dr Abdi waligiiba waxa uu jeclaa in uu heerka gaaro tacliinta,waxa uuna yaraantiisii ahaa mid had iyo jeer dadku ay layaabaan oo buug uun wata oo akhrinaya.waxa uu jeclaa in uu lasocdo dadka leh aqoonta sare iyo akhyaarta isagoo kafaa iidi jiray aqoontooda,una arkayay in ay kahadlayaan mawduucyo loo baahan yahay oo nolasha ah dhab ta ah.majeclayn waqti in uu ku lumiyo waxaan macno lahayn.

Dr Gele waxa uu kafaa iidaystay waqtigiisa isagoo ka barta aqoon sare dalkan norway kana baxay kuliyada caafimaadka Jaamacada Oslo University of Oslo. Waxa uu ka qaatay Phd.islamarkaana waxa uu dalkan ka shaqeeyay goobo farabadan isagoo soo qabtay xilal sare iyo shaqooyin xirfadiisa ah oo uu heerka usareeya ka gaaray.runtii dadaalkiisa uu iska soo saaray halkaa in uu noqdo hogaamiyaha guud ee qaybaha caafimaadka dadka ajaanibta ah ee kayimaada afrika iyo asia gaar ahaan isagoo waxbadan ka gaystay maamul iyo dawaynba arimahaas.haydo caafimaad oo caalami iyo wadaniba ah ee dalkaaa norway ayuu kasoonoqday gudoomiye iyo xilalkala duwan. balse mar gaaraan ka hadlaynaa khibradiisa shaqo guud ahaan oo tafa tiran.

Muhiimada ayaa ah,in Dr Abdi Gele uu yahay nin leh tilmaamo fican oo leh jeclaysi iyo kudayasho,waa nin kor uqaaday sharafka umada soomaaliyeed oo markasta oo uu meel ka khudbaynayo ama jaamacada uu wax ka dhigayo waxa la suaala wadanka uu yahay,wuxuuna sawir fiican ka bixiyaa wadankiisa soomaaliya kuna faanaa iskulana wayn yahay oo isku kalsnoon yahay. waana dabeecad san oo jecel soomaalinimada,waxbarashada,in dalkeenu noqdo dal nabad ah oo laga shaqeeyo midnimada iyo isku duubnida dadka soomaaliyeed. Isagoo ka hadla had iyo jeer in loo baahan yahay in soomaalidu iska ilawdo wax aan macno lahayn oo ah kala qoqob iyo beel beel in loo kala baxo oo ah jaahilnimo iyo dib u dhac uun.Dr Abdi waxa uu ku waaniyaa dadka soomaaliyed inay xoog saaraan waxbarashada.

Waxa Dr Abdi jecel yahay in uu aqoontiisa iyo xoogiisa uugu shaqeeyo dalkiisa iyo dadkiisa,waxa uu dadka ku waaniyaa in halkan wax laga barto oo aqoonta halkan taala la qaato kadibna dalkeenii aynu ula noqono oo ku hormarino intaan halkan joognana ninkaan shaqaynayn waa in uu waxbartaa. waxanahay dadleh dhul wayn oo u baahan shaqo iyo aqoon markaa fadhi inoomayaalo.Dr Abdi waxa uu aamin sanyahay in soomaaliya ay hada meel fiican wax marayaan rajaduna aad u fiican tahay marka loo eego dhibkii aynu soomaray iyo dawlad la aantii. waxa uu qabaa in 2016 ay soomaalidu doortaan hogaan leh aqoon iyo karti daacadna u ah dalkiisa iyo dadkiisa. in ay soo xulaan soomaalidu baarlamaan aqoon yahahanka iyo waaya aragu ku badan yahay. tirada baarlamaanka in layareeyo sisuuragal ah.in shacabka soomaaliyeed aamino madax diisa kuna kalsoonaado si aynu u ahaano dal iyo dad jira. khilaafka macna darada ah in layska daayo.

Dr Abdi ma aamin sana in dagaal wax lagu xaliyo,soomaali dagaal iyo xabad waa kasoo daashay umana baahna waxaa larabaa siyaasad ku dhisan nabad galyo,hadal maha gacan.Dr Abdi waxa uu aamin sanyahay in la xushmeeyo odayaasha,dhalinyarada,

dumarka,culimada,in bulshada qaybaheeda kaladuwan cidwalba lasiiyo xurmadeeda in lays qadariyo majiro soomaaliya dagaan dagaan kamudan,beel beelkale kamudan kuligeen waa simanahay isku mid ayaynu nahay dalkana waa wada leenahay dhamaanteen.

Dr Abdi Waxa uu inbadan gacan qabtay qurbajoogta soomaaliyeed ee halkaa kunool,isagoo ku caawiyay arimo caafimaad,talo iyo gubaabo in ay waxbartaan oo waliba ku gacansiiyay,shaqo laraadin iyo tilmaan.runtiina dadka soomaaliyeed waa umahad celinayaa wanaaga dr abdi.

Waxaana igu kalifay in aan maqaalkaan ka qoro dr abdi gele waa dadka fara kutiriska ah ee dalkeenu u baahan yahay ee soomaaliga ah wadaniga ah hawlkarka ah daacada ah markaa inaan sheego oo umahad celino qofkeena wanaagsan waxaan u arkaa inay saxtahay hadii kale waxaa noqonaynaa umad aan jeclaynba wanaag iyo khayar sharmooyee.umad aan kooda wanaagsan ku oran aqoonba mahad sanid walaal.waxaa mahad illaahay ah waayadan danbe waxaa inoo soo baxaya aqoon yahano daacad ah oo raba inay dalkooda kasaaraan dhibaatadaas dawlad la aanta iyo colaada daashatay.