Warbixin: Xubnaha baarlamaanka federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ma mooshin u joog baa?

0

Markasta oo qalalaase siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, waxa xiga ee aad maqlayso waa mooshin laga geeyay mas’uul golaha fulinta ah ama guddoomiyaha golaha sharci dajinta, taas oo marar badan horseedda in mas’uulkii uu meesha ka boxo.

Arrimaha mooshinka waxaa aad caan ugu ahaa xildhibaanada ku jira baarlamaanka federaalka, hase yeeshee waxa ay u egtahay in arrimuhu ku faafeen dowlad goboleedyada.

Tusaale baarlamaanka maamulka ugu da’da yar oo ah Hirshabeelle ayaa markii malaha markii afraad mooshin ka keenaya madaxda maamulkaas, iyaga oo ugu yaraan hal mooshin ku riday madaxweynihii hore Cali Cabdullaahi Cosoble.

Mar waxa ay xitaa ka keeneen guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana maamulkaas curyaamiyay mooshinada is daba joogga ah.

xilligii ugu dambeysay ee ay mooshin keenaan waxa ay ahayd maalintii jimcaha, kaas oo ay ka keeneen madaxweyna Maxamed Cabdi Waare.

57 xildhibaan ee mooshinka keenay ayaa madaxweyne Waare ku eedeeyay qodobo ay ka mid yihiin qiyaanno qaran, xilgudasho la’aan, ku takrifal awooddeed iyo musuq-maasuq.

Waa eedo aad u culculus, balse iyaga oo aanan meelna la saarin, lagana jawaabin, lana sharixin sida looga gudbay ayay xildhibaanadii keenay la noqdeen mooshinkii.

Madal uu xalay fadhiyay Waare laftiisa ayuu guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ka yiri “Maalmahan waxaa yiilay mooshin lagu canaanayay madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, balse iyada oo laga duulayo xasiloonida siyaasadeed, amniga iyo dhaqaalaha ayaa waxa ay garteen xildhibaanada Hirshabeelle, in ay si cad uga laabtaan mooshinkaas”.

Waa maxay Mooshin?

Qaar ka mid ah xildhibaanada dhallinyarada ah oo maanta daalacanayay dastuurka baarlamaanka dhexdiisa

Todobaadkan waxa uu baarlamaanka federaalka ka doodayaa xeer hoosaadyada baarlamaanka, waxaana xeer hoosaadka ka mid ah dariiqa loo marayo marka mooshin la keenayo. Lama oga in isbadal lagu samayn doono sida ay hadda wax yihiin iyo in kale.

Balse Prof Ibraahim Bursaliid oo ah falanqeeye siyaasadeed ah ayaa qaba sidan “Ereyga Mooshin la yiraahdo wax xun ma ahan ee waa soo jeedin, haddii aanan la siyaasadaynin, in mooshin lasoo jeedinayana waxaa qasbaysa in xildhibaanada kaalimihii loo doortay ay si xalaal ah u qabsadaan, mas’uuliyadooda waxa ay kala tahay matalaad shacab, sharci dajin iyo la xisaabtan”.

Waxa uu qirey in mooshinada ay yimaadaan markasta oo uu khilaaf siyaasadeed jiro, yahayna aalad lagu galo dagaalo siyaasadeed iyo xitaa in lagu qaraabto. “Balse maadaamaa sida kursiga lagu imaado aysan ahayn mid xalaal ah in si ay biil u raadiyaan in ay markasta mooshin dabo taaganyihiin”.

Mooshinadii hore

Marka laga tago kan Hirshabeelle , waxaa dhawaan labo mooshin oo iska soo horjeedda cod u qaaday xildhibaanada dowlad goboleedka Galmudug, kuwaas oo dhinacba uu kan kale sheegay in uu xilka uga qaaday.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf oo shalay ku laabtay Dhuusamareeb ayaa sheegay in weli aanan wax xal ah laga gaarin khilaafkii jiray, waxaana weli jirta in madaxdii maamulka ay kala joogaan Cadaado iyo Dhuusamareeb. Midba kan kale ma aqoonsana.

Arrintan ayaa ku timid khilaaf u dhaxeeya Galmudug iyo dowladda federaalka sida ay sheegeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Mar sii horeysay xildhibaanada golaha shacabka ee Federaalka waxa ay mooshin ka keeneen guddoomiyihii baarlamaanka Prof Maxamed Cusmaan Jawaari, kaas oo ahaa mas’uulka kaliya ee labo xili lasoo doortay.

Sida uu Jawaari laftiisa sheegay, sababta mooshinka looga keenay ayaa ahayd in ay is qabteen madaxda sare ee dalka qaarkood, inkasta oo markii dambe uu aqbalay in uu xilka ka dego.

Baarlamaanka Puntland ayaa sidoo kale mooshin xilka kaga tuurey guddoomiye Saciid Xasan Shire kadib markii sida la sheegay ay kala aragti duwanaadeen madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cabdiwali Gaas.

Maxaa khaldan ?

Prof Bursaliid waxa uu qabaa in waxa khaldan ay yihiin wax dalka oo dhan ka wada khaldan , wuxuuna xusay in xitaa uu meesha ka baxay la xisaabtankii xildhibaanada laftooda.

Inkasta oo dastuurka iyo xeer hoosaadyada baarlamaankaba ay ku jiraan qodobo ka hadlaya sifooyinka uu xildhibaana ku weyn karo kursigiisa, haddane illaa iyo hadda ma jiro xildhibaan kursigiisa ku lumiyay.

Waxayna u egtahay in xildhibaanada labadii mas’uuliyadood ee kala ahaa matalaadda shacabka, iyo sharci dajinta ay kasoo hormariyeen tii seddexaad oo ah la xisaabtanka, kaas oo laftiisa lagu saleeyo marka dan gaar ah oo siyaasadeed laga leeyahay sida uu qabo Bursaliid.

“Waa jiraan mooshino hagaagsan, balse waxa ay u badanyihiin kuwa xun, oo siyaasadeysan, oo aan haboonayn, kuna soo aada markasta oo shaqaaqo siyaasadeed ay jirto” ayuu hadalkiisa kusoo gabogabeeyay.