Animation

Warbixin Xog Badan Xambaarsan: Maxaa mar la arag ka dhigay Doorashada Soomaaliya??

no responses
Monday November 21, 2016 - 5:16 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Doorashada 54-ta xubnood ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka billaabatay dhowr caasimadood oo ka mid ah Maamul Goboleedyada Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxyna ku dhaw yihiin gabogabo. Siddoo kale, doorashooyinka 275-ta xubnood ee Aqalka Hoose (Golaha Shacabka) ayaa iyaguna socda.

Labadan Aqal ayaa lagu wadaa inay u codeeyaan qofka noqonaya Madaxweynaha. Doorashadan ayaa loo qorsheeyey inay qabsoonto dhamaadka bisha Nofember haddii aan mar kale dib loo dhigin.

Doorashooyinkan oo ay taageerayso Beesha Caalamku ayey ahayd in ay qabsoomaan bishii Ogoost. Hase ahaatee waxa dib loogu dhigey sababo la xiriira Dhaqaalaha, Farsamada iyo Saadka. Tusaale ahaan, Dowladu waxay ku doodey in aanay hayn dhaqaale ay ku bixiso doorashada iyada oo sidda ay dowladu ku andacootey aanay Beesha Caalamku bixin dhaqaalihii ay ku balanqaadeen.

_92593648_raage_nin_daran1

Guddida Fulinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa mas’uul ka ah qabsoomida doorashadan 

Guul ama fashilaad

Doorashooyinkani waa kuwii labaad tan iyo sandii 2012-kii markaas oo dastuur cusub la sameeyey. Waxaa lagu alkumay Dowladdii Federaalka ah ee ugu horeysey ee Soomaaliya, laguna soo afjarey colaad socotey muddo dheer iyo xukumada ku meel gaar ahaa.

Fashilaada ama Guusha kasoo hoyata doorashooyinkani waxa ay muujin doonaan heerka ay gaartay u bislaanta siyaasadda Soomaaliya iyo bal inay shaqayso qaabka codeynta la isticmaalayo. Waxaana durbaba sii baxayo eedeymo la xiriira musuqmaasuq ku aadan doorashada baarlamaanka.

_92593645_c62d44ed-13ec-4539-9049-a5e0b3d6741c

Xasan Sheekh waxaa madaxweyne loo doortay sandii 2012-ka, wuxuuna doonayaa in dib loo soo doorto 

Qaabka Gaarka ah ee Doorashada 2016

Qaabka Soomaaliya wax looga dooranayo ama codka loo dhiibanayaa waa hab gaar ah.

Xaalka ay iminka Soomaaliya ku jirtaa uma saamaxayo hal cod iyo hal shakhsi. Dastuurka ku meel gaarka ah ee 2012-ka waxa uu dhigayaa ama ogolaanayaa in sannadka 2020-ka ay dadku codeyn doonaan. Waxyaabaha la dareemi karo ee ay doorashadani kaga duwan tahay doorashadii 2012 ka wax ka mid ah:

  • Doorashadan 14,025 cod bixiyayaal ah ayaa si sir ah u dooran doono 275 xubnood ee Golaha Shacabka. 135 odey dhaqmeed ayaa ka mas’uul ah in ay deegaamadooda ka soo xulaan ergadan cod bixiyayaasha ah.
  • Waagaas 135 odey dhaqmeed uun ayaa doortey xubnaha Golaha Shacabka. Sannadka in kabadan 100 jeer oo Soomaali ah ayaa ka qayb qaadanaya geedi socodkan.
  • Xubnaha labada aqal ee Baarlamanka waxa loo dooran doonaa iyada oo loo marayo habka doorashooyinka.
  • 2012-kii Baarlaman ka kooban hal aqal ayuunbaa la doortey, haddas baarlamaanku wuxuu ka kooban yahay aqalka hoose iyo kan sare.
  • Doorashadii afar sanno ka hor waxa ay ka dhacdey oo keliya Muqdisho. Sannadkan doorashadu waxa ay ka socotaa ugu yaraan ilaa lix magaalo oo wadanka ah.
  • Guddida Fulinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa mas’uul ka ah qaabka ay doorashadu u dhaceyso iyo in ay si mideysan uga dhacdo Maamul Goboleedyada oo dhan.

Carqaladaha ay doorashooyinkan wajihi karaan

Waxyaabaha ugu badan ee carqalada ku noqon kara ayaa wax ka mid ah in ay ahaato doorasho daahfuran, la macaamilka qabiilka iyo siyaasada maamul goboleedyada iyo caqabadaha dhaqaalaha iyo amaanka.

Siyaasada Qabiilka.

Waxa laga cabsi qabaa in ay odey dhaqmeedyada ama madaxweynayaasha maamul goboleedyadu ay saameyn ku yeeshaan natiijada doorashooyinka iyaga oo isticmaalaya awoodahooda. Waxaa kale oo laga cabsi qabaa iyada oo qaabka loo soo xuley odey dhameedyada aanay ka jirin isla xisaabtan iyo daahfurnaani ay ku kacaan ama dhiiri geliyaan musuqmaasuq. Xaqiiqdii, waxaaba jira warar sheegaya in qaar ka mid ah murashixiinta madaxweynaha ay bixinayaan laaluush.

Lacag yari iyo kalsooni la’aan.

Mowduuc kale oo aasaasi ah ayaa ah in aanay Soomaaliya dhaqaale ahaan isku filneyn. Waxay kaalmo ka heshaa Beesha Caalamka iyo Deeq bixiyayaal. Marka la eego doorashooyinkan, beesha caalamka, sidda Mareykanka iyo Midowga Yurub waxa ay ku balan qaadeen qiyaastii 60% dhaqaalaha loo baahan yahay. Laakiin, xataa iyada oo taageero la helo, culeyska dhaqaale ee dowlada saarani wuu weyn yahay.

_92576722_rage2255

Tirinta codadka doorashooyinka Aqalka Hoose ee magaalada Baydhabo

Amaanka

Gaar ahaan marka la eego ammaanka looga baahan yahay in ay dowladu u fidiso Guddida Doorashooyinka inta ay howshu socoto.

Carqalada dhinaca amaanka ugu weyni waa iyada oo ay kordheen qaraxyada kooxda mayalka adag ee Al Shabaab.

Waxa laga cabsi qabaa inta ay doorashadu socoto in ay Kooxda Al Shabaab ay kordhiso dilalka qorsheysan iyo qaraxyada. Waxaa laga yaabaa inay sidaa u sameynayaan iyaga oo isku deyaya in ay ka bajiyaan/cabsi geliyaan odey dhaqmeedyada, sidoo kale waxa ay ka faa’iideysanayaan maadaama oo ay dowladu inta badan diirada ku hayneyso doorashooyinka.

_92576727_30a6d9bf-869d-413f-a57a-6a389d803533

Waxa laga cabsi qabaa inta ay doorashadu socoto in ay Kooxda Al Shabaab ay kordhiso dilalka qorsheysan iyo qaraxyada-

Inkasta oo ay jiraan dhibaatooyin iyo carqalado hor yaalla habka doorashada, haddana waxa la filayaa in doorashadu noqoto mid sameysa isbedel.

Guddaha, dad iyo fikrado cusub ayaa imanaya, Dibadana, waxa laga yaabaa in ay doorashadu muujiso in uu dalku deganaansho kusoo noqonayo xasilooni daro sannado badan kadib.