WARBIXIN: XASUUQA GAZA KA SOCDA AYAA LA OOYAYAA.

0
Dowladda Yahuudda Israel ayaa xasuuq ba’an waxa ay ka wadaa magaallada Gaza ee dhulka falastiin waxaana ciidamada yahuudda ay si bareer ah u dleen muslimiin badan oo falastiiniyiin ah xili dowladda mareykanka ee yuhuudda taageerta ay safaaraddeeda Tel Aviv, usoo rartay magaallada Qudus oo ay caasiamd ugu aqoonsatay dowladda yahuudda israel.
 
Ku dhaawaad Inkanada 55 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilau kacdoonka ka socda Gaza ee looga soo horjeedo yahuudda iyo safaaradda mareykanka ee Qudus loo soo saray waxaana la dhaawacay 2,700 oo kale.
 
Golaha isku magacaabay Qaramada midoobay balse aan aniga u aqoonsanahay cadowga u midoobay dabar goynta ummada islaamka ayaa waxa ay sheegeen in qudus xasuuq uu ka dhacay taasi oo ay markasto si beerlaxaawsi ah uga sheegeen fagaaraha iyagoo hoose uga faraxsan xasuuqa muslimiinta lagu haayo.
 
 
Dadka la xasuuqa waxaa kamid ah caruur badan oo falastiiniyiin ah waxaana dowladda Israel ay difaacday xasuuqa ay u geysaneyso falastiiniyiinta dhulkooda lagu gumaadaayo.
 
Dowladdaha carabta ee muslimiinta ah ayaa sheeda ka eeganaya xasuuqa walaallahood falastiin loogu geeysanaayo dhulkooda iyagoo haba yaraatee wax dareen falcelin ah aysan u qaadin in ay ka dhiidhiyaan gumaadka yahuudda israel .
 
 
MA LA WAAYAY DOWLAD ISLAAM AH OO MAREYKANKA XIRIIRKA U JARTA?
 
Sida isagaba ugu madax adeegay in qudus caasimad israe ugu aqoonsado yahuudka madaxa cad ee trump mala waayay hal dowlad oo Islaam ah oo xiriirka si dhab ah ugu jarta trump iyo dowladdiisa si loogu canaanto falkaan ihaaneysiga ah ee uu kula kacay dhammaan ummada muslimiinta mar haddii dhulkii barakeysnaay uu yahuudda u shaabadeynaayo.
 
QUDUS FALASTIIN OO KALIYA MALAHAN.
 
Haddii dowladdaha muslimiinta ah ee maanta jooga oggaan lahaayeen in Qudus ay tahay dhul muslimiinta qimo weyn ugu fadhiyo kama aysan aamuseen in maanta yahuudda lagu wareejiyo waxaase heysta dulinmo ah maxaa idinka galay dhul falastiin ah idinka bes dhulkeena ilaashada una madax raariciya gaallada caalamka muslimiinta ah duleysaneysa.