WARBIXIN: Maxaa kusoo kordhay Mooshinkii jawaari Maxaase la filan karaa in ay dhacaan?

0

Iyadoo uu marba marka ka dambeyso uu cirka isku shareeraayo khilaafka ka dhashay mooshinkii laga keenay guddoomiyaha baarlamaanka prof jawaari ayaa waxaa muuqata in arrinta mooshinka ay faraha kasii baxeyso.

Maanta waxaa la kala diray guddigii isku magacaabay xalinta khilaafka golaha shacabka kadib markii ay ku fashilmeen wada hadalladii iyo dhex dhexaadintii ay ka dhax wadeen xildhibaanada mooshinka keenay iyo guddoomiye jawaari iyo xulafadiisa raacsan ee xildhibaanada ah.

Seddex kamid ah xubnaha aqalka sare ee ku jiray guddigii xalinta khilaafka mooshinka ayaa iska casilay xubinnimada guddiga iyo lasii shaqeyntiisa waxaana xubnahaasi ay kala yihiin senator cabdi xasan cawaale qeybdiid, maxamuud axmad mashruuc iyo maxamad amiin cusmaan.

Guddoomiyaha mooshinka uu ka yaalo ee dasruuka uu qabo in uusan shir guddoomin kalfadhiyada baarlamanka iyo kulama guddiyada joogtada ayuu prof jawaari maanta wuxuu shir guddoomiyay kulankii guddiyda joogtada ee baarlamaanka taasi oo dhalisay muran xooggan oo xildhibaandii mooshinka keenay ay ku tilmaameen in jawaari uu wado fowdo iyo qalalaaso baarlamaanka ka kicinaayo maadama dastuurka iyo xeer hoosaadka uu ka mamnuucaayo in uu shir guddoomiyo kulamada baarlamaanka mudada uu mooshinka ka yaalo.

Kulanka uu jawaari maanta shir guddoomiyay waxaa lagu go’aamiyay in kalfadhiga baarlamaanka ee maalinta sabtida ajandahiisa uu noqon doono ka doodista xiisadda ka taagan magaalada beled-xaawo taasi oo ka hor imaaneysa go’aankii uu horay usoo saaray guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka cabdi wali muudey oo hadda si KMG u ah guddoonka golaha shacabka.

Geesta kale xildhibaanada mooshinka keenay waxa ay shaaciyeen in maalinta sabtida ee taariikhdu tahay 31-3-2018 kulanka baarlamaamka uu noqon doono cod u qaadista mooshinka.

Xiisadda ka dhalatay mooshinka ayaa hadda waxa ay muuqata in ay faraha ka sii baxeysa waxaana indhaha lagu haya kulanka baarlamaanka ee maalinta sabtida dhici doona iyo waxa halkaa ka dhalan kara maadama guddoonka baarlamaanka ay soo kala saareen go’aano iska hor imaanaayo oo kalfadhiga ku saabsan.

Madaxweyne farmaajo ayaa u muuqda in uu ka quusta xal u helidda khilaafka u dhaxeeya xukuumadda iyo guddoonka golaha shacabka waxaana madaxweynuhu uu dhowr jeer isku dayay in uu miiska wada hadalka isugu keeno jawaari iyo kheyre balse uu taasi awoodi waayay maadama labada dhinacba uu eedeynaayo midba midka kale waxaana mooshinka uu cabaqab weyn ku noqday dedaaladii dowladda farmaajo ee nabad galyada caasimadda iyo wax ka qabashada qaraxyada soo laab laabta.

Mooshinka iyo khilaafka ayaa saameyn xooggan ku yeeshay amniga caasimadda waxaana dhacay dhowr qarax oo is daba joog ah waxaana falanqeeyayaasha siyaasadda ay sheegayan in haddii ay wax u sii socdaan sida hadda ay wax ku socdaan ay talo faraha ka bixin doonto dalka uu gali doono marxalad is qab qabsi iyo amni daro joogta ah.