Animation

Warbixin: Shirka London siduu u xallin karaa dhibaatada Soomaaliya?

no responses
Wednesday May 10, 2017 - 5:04 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Waxaa magaalada London Khamiista isugu imaan doona madax fara badan kuwaasi oo isla soo qaadi doona xaaladda Soomaaliya oo ah waddan siddedii sano ee la soo dhaafay safka hore ka galay liiska waddamada fashilmay.

Kullanka London waxa uu ka dhici doonaa Lancaster House. Waxa si wada jir u shir guddoomin doona Britain, Soomaliya iyo Qaramada Midoobay.

Waa kullankii saddexaad oo Soomaaliya loo qabto tan iyo 2012-kii, waxayna u muuqataa in ajeendooyinka shirkan intooda badan yihiin kuwaa laga soo min guuriyey shirarkii hore, waayo arrimaha diirada la saari doono waxa ka mid ah Ammaanka, Dowlad wanaaga iyo Dhaqaalaha

Dokumentiga rasmiga ah ee shirka ayaa waxa xoogga lagu saaray horumarka uu waddanka sameeyey, balse sharraxaada laga bixiyey Soomaaliya waxba iska ma aanay badelin tan iyo wixii ka dambeeyey shirkii shan sano ka hor lagu qabtay London. Waxa lagu sifeeyey Soomaaliya inay tahay waddan ”aad u xasilooni daran iyo mid aanu maamul ka jirin” halisna ay ku yihiin Mitidiinta Islaamiyiinta ah, Burcad Badeed iyo Macaluul.

Waxaa jiray Xoogaa horumar ah

A Somali soldier stands guard next to the site where al-Shabab militants carried out a suicide attack in Mogadishu

Burcadbadeednimadii sanadooyinkii hore ay ku bixi jirtay lacag dhan 5.4 bilyan oo doolar ayaa meesha ka baxday, inkastoo ay jireen falal koobnaa oo dhacay sanadkan horraantiisii. Diyaaradaha aanan duuliyaha lahayn, xooggaga Amisom, la taliyayaasha ‘dhinaca amaanka’ ee ka soo jeeda waddamada reer galbeedka, iyo ciidamada Soomaaliya ayaa ka saaray kooxda Al-Shabaab inta badan magaalooyinka waawayn inkastoo haddana kooxdan jihaad doonka ah ay weli gacanta ku hayaan meelo badan, weeraran ay geysan karaan markii ay doonaan.

Doorashooyin dhowaan dhacay ayaa waxa ku soo baxay madaxweyne cusub- oo ilaa imika ah mid dadku ay aad u jecelyihiin. Sidoo kale Barlamaanka waxa tiro badan ka helay dumarka.

Soomaaliya waxay qarka u saarantahay macaluul. Ma gaarsiisano heerkii ay gaarsiisanayd macaluushii ka dhacday dalka 2011-kii oo ay ku dhinteen in ka badan 250 kun oo qof.

Marka si loo fiiriyo waa arrin lala yaabo in abaarta haatan jirta aanay ka mid ahayn arrimaha ugu waawayn ee lagu soo qaadayo shirkan London.

Abaar daran

Waddanka waxa fara ba’an ku haysa abaar lagau tilmaamay in tahay tii ugu darnayd muddo tobonaan sano ah. Waxa la waayey afar xili roobaad, Qaramada Midoobay-na waxay ku qiyaasaysaa in 275 kun oo caruur ay soo foodsaarayso sanadkan nafaqa darro aad u ba’an.

Dadka durbadiiba waxay u dhimanayaan gaajo iyo cudurro, waxaana xaaladahaasi aad ugu sii nugul dadka ay abaarta saamaysay

Carruurta nafaqo darada ay saamaysay waxa la sheegay in sagaal jibaar ay halis ugu jiraan inay u dhintaan cudurada sida jadeecada iyo shuban biyoodka.

Xitaa ka hor inta aadan gudaha u gelin isbitaalka ku yala magaalada Burco, oo ka tirsan Somaliland oo iskeed gooni isugu taagtay, waxaad maqalaysaa oohinta dheer ee carruurta nafaqo darrada asiibtay

Wiil yar oo xiran dhar jaala ah ayaa indhihiisa waxay eegayaan darbiga ” Maskaxdiisa ayaa dhaawac soo gaaray, waxaana u sabab ah abaarta daba dheeraatay iyo isagoo waayey nafaqadii uu u baahnaa” Sidaasi waxa yiri Dr Yussuf Cali oo laba sano ka hor dib ugu laabtay Soomaaliya. Waxa uu ka shaqeyn jiray UK. Waxa uu intaasi raaciyey ” Weligii kama soo kabsan doon”

Ammaanka

Koonfurta Galbeed ee Soomaaliya, tobonaan kun oo qof ayaa ku barakacay abaarta. Waxay isugu uruureen goobo si ku meel gaar ah ay u joogaan, waxayna samaysteen guryo ka samaysan cooshash duleedka magaalada Baydhabo. Halkan waxay ahayd hal bowlaha macluushii ka dhacday Soomaaliya 1991- iyo 2011-kii. Waxa loo aqoonsaday in ay noqotay ”Xagashii dhimashada”

” Al-Shabaab ayaa ka faa’ideysanaysa wiilashii iyo nimankii aan ka soo tagnay, waxayna siinayaan doolar iyo cunno ” sidaasi waxa tiri haweenay. Waxay intaasi ku dartay ” Nimankeenii iyo wiilasheenii waxa lagu qasbayaa in ay noqdaan mujaahidiin”

”Dhibaatada ugu way ee caqabada ku ah in wax laga qabato abaarta, waa amni darada” sidaasi waxa yiri Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Sharif Xassan Sheekh Aadan

Magaala madaxda maamulkaas ee Baydhabo oo ay Ilaaliyaan ciidamada itoobiya, ayaa waxay ku talaa bartamaha degaannada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab

A Somali family crammed into a small tent on the outskirts of Baidoa

Sharif Xassan ayaa yiri ” Mintidiinta waxa ay xireen dhammaan waddooyinkii looga baxayey magaalada, marka way adagtahay in aan gargaar gaarsiino dadka dhibaataysan

Hadalkaasi waxa uu ka turjumayaa sababta arrinta amaanka mudnaanta koowaad loo siinayo shirka ka dhacaya London.

Inta Soomaaliya ay ka jirto colaad, qeybaha kala gedisan ee dalka ay gacanta ku hayaan dhinacyo iska soo horjeeda, way adkaan doontaa in gargaarka deg dega ah, iskaba daaye in la hir geliyo mashaariicda horumarinayd ee lagu hiigsanayo mustaqbalka fog.

Qebsiga kheyraadka

Maamulada cusub ee qaar ka mid ah ee dhowaan uun la sameeyey ayaa dadka dhaliila hanaankan waxay sheegayaan in laga yaabo in ay horseedaan colaad cusub. Tusaale ahaan waxay tilmaamayaan colaadii sanadkii hore dhax martay maamulada Galmudug iyo Puntland.

Mid ka mid ah hadafyada laga leeyahay Kullanka London ayaa waxa uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa dowladda Federaalka iyo maamulada ay qeybsadaan kheyraadka, waana arrin dhalisay muran xooggan xitaa ka hor inta aanan la qaban kullankii ugu horreeyey ee London.

Dhinaca kale, waxa iyaduna muran xooggan dhalisay awood maamulada federaalka u leeyihiin in ay heshiisyo la galaan waddamada ama shirkadaha caalamiga ah.

Tusaale ahaan, Isu taga imaaraadka Carabta ayaa waxa ay ka samaysanaysaa saldhig milatari degaanka Berbera oo ay maamusho Soomaaliland. Imaaraadka waxay sidoo kale saanad iyo agab milatari siisay Maamulka Jubbaland.

Ergaygii hore ee gaarka ahaa ee Soomaaliya u fadhiyey Maraykanka, Abubakar Armaan ayaa ku tilmaamay kullanka London ”Goob dad wax boobaya ay isugu imanayaan” waxa uuna intaasi ku daray in ay tahay goob awoodaha shisheeye ay doonayaa in ay ku kala qeyb sadaan Soomaaliya iyagoo eegaya donahooda gaarka ah. Qaar badan oo kunool Soomaliya ayaa u arka shirkan in uu yahay mid dhaqaale uun lagu luminayo, waxayna sheegayaan in loo baahanyahay in lacagta ku baxaysa shirka lagu bixiyo wax ka qabashada abaaraha ka jira dalka.

Facebook Comments