Warbixin: Mooshin iyo Khilaaf sii xoogeysanaya iyo Saameynta Imaaraat-ka iyo Itoobiya

0

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii baarlamaanka soomalia uu soo saaray xeer dalka looga mamnuucaayo shirkadda DP-World ayaa waxaa soo ifbaxay marxalad kala qeybsanaan ah oo u dhaxeysa xukuumadda iyo guddoonka golaha shacabka.

Xildhibaano la rumeysanyahay in ay ku xiranyihiin xafiiska Ra’isul wasaare kheyre ayaa mooshin ka keenay guddoomiyaha baarlamaanka maxamad sheykh cusmaan jawaari waxaana mooshinkaas laalay guddiga joogtada ee baarlamaanka.

Iyadoo xaalka uu u muuqday mid xasilooni kusoo noqday ayaa haddana waxaa xalay waqti dambe xaaladda sii kiciyay guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee baarlamaanka c/wali muudeey oo sheegay in mooshinkii laga keenay jawaari uu isaga qabtay uu yahay mid sharci ah go’aanka kasoo baxay guddiga joogtada ee mooshinka lagu laalay uu yahay mid sharci daro ah sidaas darteed mooshinka uu weli ka yaalo guddoomiye jawaari.

Xildhibaanadii mooshinka ka keenay jawaari ayaa iyagana xalay kulan ku yeeshay muqdisho iyagoo sheegay in sharci daro ay tahay in mooshinka la jabiyo iyadoo laga been abuurtay xildhibaanada qaar oo la dhahay mooshinka wey ka noqdeen .

Dhinaca kale xildhibaano taageersan guddoomiye jawaari ayaa xalay bilaabay abaabulka mooshin xooggan oo ka dhan ah Ra’isul wasaare kheyre waxana la sheegay in mooshinka ay xalay saxiixeen xildhibaano kor u dhaafaya 40 xildhibaan .

Kulamo aan loo kala kicin oo xasaasi ah ayaa xalay muqdisho ka jiray waxaana magaalada badankeeda gaar ahaan hotelada waaweyn laga dareemayay xalay mashquul daran iyadoo kulamada qaar ay soo gaareen xalay waqti dambe iyadoo aan magaalada xalay laga seexan waxaana muuqata sida ay hadda wax ku socdeen haddii ay usii socdaan in xaaladda siyaasaddeed ee dalka uu faraha ka baxaayo marxalad is qab qabsi ahna dalka uu galaayo.

Kala qeybsanaanta guddoonka golaha shacabka ayaa waxa ay saameyn weyn ku yeelatay xildhibaanada baarlamaanka oo iyagana laba dhinac u kala qeybsamay xildhibaano raacsan guddoomiye jawaari iyo xildhibaano raacsan guddoomiye ku-xigeenka 1-aad C/wali Muudey.

Madaxweyne farmaajo ayaa isku dayaya in uu xiisadda dajiyo waxaana xafiiska madaxweynaha ka jira mashquul iyo kulamo is daba joog ah oo ku saabsan marxaladda dalka uu hadda maraayo.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa u arka xiisadda hadda taagan in ay salka ku heyso heshiiska dekedda berbera iyo go’aanka uu baarlamaanka soomalia ka qaatay waxaana muxallaliinta ay sheegayan in qaska iyo qalaalasaha socda ay qeyb weyn ka tahay Dolwadda Imaaraat-ka carabta oo dooneysa in gabi ahaanba laga taqaluso xeerka uu baarlamaanka soo saaray waxaana xusid mudan in golaha aqalka sare uu qarka u saaranyahay in gabi ahaanba uu laalo xeerka uu soo saaray golaha shacabka maadama xubnaha aqalka sare dood weyn uu ka dhex abuuray ” Xeerka dhowrida Gobonimada iyo Geyiga Soomaaliyeed”.