Animation

Warbixin: Madaxtooyada Soomaliya oo Awood iyo Dhaqaalo u Adeegsatay Kuraasta Aqalka Hoose ee Beesha Waceysle

one response
Thursday November 17, 2016 - 11:55 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wadanka Soomaliya waxa uu Lugaha la galay Marxalad Doorashooyin ah Waxaana Gobolada Dalka oo dhan si siman uga Bilaabatay Doorashooyinka Xildhibaanada.

Sida Ku Cad Madasha Wada tashagi Qaran Doorashooyinka Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ayaa Waxaa loo qoondeeyay in Kuraasta Labada Aqal ay Saami qeybsi ku timaado Taasi oo la Macno ah in Beelaha Soomaliyeed ay qeybsan doonan Kuraasta Labada Aqal ee Dowlada Cusub loogu tala galay.

Hadaba Iyadoo Madasha wada tashiga ay Heshiis wada jir ah ku gaareen in Beelaha ay qeybsadaan labada Aqal ayaa waxaa soo Baxaya Saluug ay qabaan Qaar kamid ah Beelaha Soomaliyeed oo ku aadan in Kuraasta Laba Aqal Habka loo qeybiyay aysan aheyn Mid Beelaha qaar ay ku Qanceen.

Waxaan Isdul taagi doonna Cabashooyinka ay Qaar kamdi ah Beelaha Soomaliyeed ka Muujiyeen Habka loo qeybsanaayo Kuraasta Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya.

Beelweynta Waceysle waxa ay kamid tahay Beelaha qaba Cabashooyinka Habka qeybsiga Kuraasta Labada Aqal waxaana Dhowr jeer oo hore Beeshu ay soo gudbisay in Kuraasqta Labada Aqalka ay dood ka taagantahay gaar ahaan kuraasta aqalka Hoose.

Sida aan la wada socono Beelweynta Waceysle waxa ay heshay 4 Kursi oo kala ah 1 Aqalka Sare iyo 3 Aqalka Hoose ah waxaana  Kursiga Aqalka Sare sida Qoondada ay aheyd la siiyay Jufada C/Raxmaan Saleebaan oo Xubin Rag ah heshay Balse Xasan Shiikh ayaa Ol ole u galay in Kursiga Aqalka Sare ee Jufada C/Raxmaan Saleebaan laga dhigo qof Dumar ah wuxuuna Xasan Shiikh Meesha ka saaray Xubintii raga aheyd waxaana Kursiga Aqalka Sare ee Beesha C/Raxmaan Saleebaan ku soo Baxday Qof dumar ah oo lagu Magacaabo Zamzam Daahir Maxamuud waxaana Watay Xasan Shiikh oo Kursigaas ku Fadhiisiyay Zamzam.

Hadaba Iyadoo Tabashadaasi ay Jirtay ayaa Hadana waxaa Is qab qabsi uusii kal dhexgalay 3 Kursi ee Aqalka Hoose iyo sida ay u kala qeyb sanayan Jufooyinka soo haray ee kala ah :

Cali Gaaf

Absuge

Waceysle Marooyin /Macalin Dhiblaawe.

Kuraasta Aqalka Hoose ee 3 Ah waxaa loo kala qeybiyay Jufooyinka aan kor kusoo Xusnay ee Beelweynta Waceysle Waxaana ay u kala haleyn Kuraasta Sida tan:

Cali Gaaf—Kursi Xubin Dumar ah ayaa ku aaday.

Absuge — Xubin Rag ah ayaa kusoo aaday

Waceysle Marooyin/Macalin Dhiblaawe —– Xubin Rag ah ayaa kusoo aaday.

Hadaba Iyadoo sidaasi loo kala qoondeeyay Kuraasta Aqalka Hoose uga soo aaday Beelweynta Waceysle ayaa Waxaa Xubintii Dumarka aheyd ee Cali Gaaf kusoo aaday diiday Ergada iyo Waxgaradka Beesha Cali gaaf oo uu ka soo Jeedo Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Ol’olaha Lagu diidaayo Xubinta Dumarka ah ee Cali Gaaf uga soo aaday Kuraasta Aqalka Hoose waxaa Horboodaayay Madaxweyne Xasan Shiikh oo Hanti iyo Juhdi ku Bixinaayo in Jufada Cali Gaaf ay Hesho Xubin Rag ah Halka Xubinta Dumarka ahna ay ku aado Macalin Dhiblaawe ama Absuge Midkood.

Suldaan Maxamed Cabdi Shiddo oo ka mid ah 135-ta Oday, ahna Guddoonka Guddiga sare ee dhaqnaka Beesha Waceysle ayaa ka hor-yimid qorshe laga wado Madaxtooyada Soomaaliya iyo tan Galmudug, kaasoo ku aadan in qoondada haweenka ee kuraasta aqalka Hoose loo weeciyo beel aan aheyn beel markii hore lagu heshiiyay.

Warqad uu soo saaray Suldaanka ayuu kaga hadlay saddex kursi ee Waceysle ka heshay aqalka Hoose ay tahay in mid ka mid ah Haween la siiyo, gaar ahaan Jufada Cali Gaaf.

Suldaanka ayaa ka codsaday Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal iyo Heer dowlad goboleed inay tixgeliyaan go’aanka Beesha oo ah in qoondada haweenka ay tahay inay u tartanto Kursiga Cali Gaaf.

Halkaan Hoose ka Aqriso Warqada uu soo Saaray Suldaanka Beesha Waceysle Abgaal:

Microsoft Word - Cadeyn Qoondada Haweenka ee Kuraasta Golaha Shacabka ee Beelaha Wacaeysle..doc

Warqada kasoo Baxday Suldaanka Beesha Waceysle Suldaan Maxamad Cabdi Shido

Sidoo kale Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayey Gaadhay Cabashada ka dhex taagan Beelweynta Waceysle Abgaal ee ku aadan Hab qeybsiga Kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka soo socda.

Guddiga wuxuu soo saaray  Warqad uu ku Joojinaayo in Doorashada Aqalka Hoose ee Kuraasta Waceysle aan lagu qaban Karin Cadaado Inta Is Afagarad laga gaaraayo Beeshe Dhexdeeda iyo sida ay Kuraasta ukala qeybsanayan.

Halkaan Hoose ka Aqriso Warqada kasoo baxday Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee Lagu Joojinaayo Doorashada Kuraasta Waceysle ee Cadaado shalay ka dhacday.

Sida Muuqata Xasan Shiikh wuxuu Ol ole xoogan ugu jiraa in Doorashada Sanadkaan uu Markale ku Guuleysto wuxuuna dhaqaale iyo Awood u sheeganaya Nidaamka qeybsiga Kuraasta Aqalka Hoose.

Xog Hoose oo aan helnay ayaa waxa ay Muujineysa in Madaxtooyada Soomaliya ay Caga jugleyn iyo Handadaad kula Kacday Jufooyinka Beesha Waceysle ee ku doodaya in Xubinta Dumarka ah Cali Gaaf la siiyo Balse Xasan Shiikh ayey u Cuntami weyday in Beesha uu ka dhashay ay Qaadato Xubin dumar ah.

Madaxtooyada Soomaliya waxaa Marag ma doonta ah in Kuraasta Aqalka Hoose ee Beelaha ay ku Iibsatay Dhaqaalo Xad ka bax ah Dhaqaalahaasi oo si gaar ah uga soo Baxaayay Xafiiska Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh oo Kaambeynka Ol’olahiisa Doorashada ku Galay Hantidii Qaranka ee ka dhaxeysay Dhamaan Bulshada Soomaliyeed.

Doorashada Aqalka Hoose ee Shalay oo Taariikhda ay ku Beegneyd 16-11-2016-ka dhacday Magaalada Cadaado waxaa Kursiga Aqalka Hoose ee Xubinta Raga ah ku guuleestay Saadaq C/Kariim Xaaji oo ka soo Jeeda Jufada Cali Gaaf ee Xasan Shiikh uu ka dhashay Waxaana sida Muuqata Madaxtooyada soomaliya ay ku Guuleysatay Dadaalkii xooganaa ay u gashay in Kursiga Aqalka Hoose Xubin Rag ah ay ka hesho Cali Gaaf.

Saadaq C/Kariim Xaaji wuxuu ahaay Agaasime ku Xigeenkii Madaxtooyada Villa Soomaliya waa Nin ay aad isugu Dhawyihiin Xasan Shiikh.

Kursiga Labaad ee Aqalka Hoose Beesha Waceysle waxaa kusoo baxay Xildhibaan Cadow Cali Gees oo ka soo Jeeda Beesha Waceysle Marooyin .

Kursiga Seddexaad waxaa ay u Hareysa Jufada Absuge oo Qaadaneysa Xubinta Dumarka ah.

Dadka Falanqeeya Siyaasada Soomaliya ayaa Waxa ay sheegayan in Soomaliya ay Cagaha lasii Galeyso Nidaam Kali talis ah Maadama Madaxtooyada Soomaliya ay Mudadii 4 Sano ah ay Isticmaashay Awood dheeri ah

Ugu Dambeyn Soomalida waxa ay ku Maah maahdaa Hal Xaaraan ah Nirig Xalaal ah ma dhasho Hadii Doorashada Xildhibaanada ay Xalaal Noqon weyday Sidee Madaxweyne Xalaal ah ku Imaan doona  Waaba Su’aasha Dadka Maskaxdooda ka Guuxeysa???

W/Q-  C/Casiis Dahir Xidig

Cdcxidig114@gmail.com