Warbixin: Lix magaalo ayaa soomaalida naxashka saari doonta 2030.

0

2001 anoo qurbaha ka tagay ayaan waxaan la kulmay wiil aan asxaab ahayn oo jooga magaalo ka mid ah Soomaalia. Wiilkaa wuxuu iiga sheekeeyay in haayad uu u shaqayn jiray ay diyaarisay qorshe Soomaalia iyo soomaalidaba halis ku ah. Wuxuuna igu yiri” Saaxiib si lama filaan ah baan maalin u helay buug ay haayadu leedahay oo luuqada ingiriiska ku qoran”. Wuxuu yiri “buugaa waxyaalo badan baa ku qornaa awoodna uma aanan lahayn inaan wada akhriyo ama aan sawir ka qaado lkn waxaan akhriyay intaan ka gaari karay markaa”. Wuxuu yiri” Wax yaalihii aan la yaabay ee buugaa ku qornaa waxaa ka mid ahaa”:

1.In dhalinyarada oo boqolkiib 75% ah layareeyo iyada oo la isticmaalayo tahriibta,dumarka oo dhalmada laga xiro,xagjirnimada,cudurada faafa,qabyaalada iyo daroogada oo xitaa aan laga tagin kuwa qurbaha jooga.

2.In dhulka soomaalidu dagto laga dhigo meelaha ugu HIV/AIDSKA badan guud ahaan qaarada Africa. Qodobada ay qorteen ee buuga ku qornaa ee HIV/ADISKA ay u dagsadeena waxaa ka mid ahaa:

1.In la sameeyo isbitaalo ay leeyihiin haayaduhu oo qaarkood gaar loo leeyahay oo dad soomaali ah ay leeyihiin laakiin hayaduhu kor ka maamulaan. Halkaasna ay tahay fursad dahabi ah oo lagu gaari karo bulshada qaybeheeda kala duwan sida hooyada, dhaalaanka,siyaasiga,shiikha,dhalinyarada,aqoonyahanka iyo danyarta.Taasna ay keenayso in uu cudurku dhaqso u fido iyada oo la isticmaalayo qalab caafimaad oo aan fayadhowrkiisa lahubin.

2. In maadaama nimanka soomaalidu ay jaatka ku waalanyihiin loo sameeyo dumar HIV/AIDSKA qaba oo la qayila oo ay la tuntaan markay marqaamaan.Taas oo keenaysa in ninku markuu gurigiisa aado inuu ku rido cudurkii xaaskiisa iyo ilmihiisa uurjiifka ah.

3.In lasameeyo ururo soomaalida ka wacyigaliya cudarka HIV/AIDSKA laakiin aan awood u lahayn inay xakameeyaan faafida cudurkaas. Taas oo keenaysa inay soomaalidu isku haleeyaan ururadaas sidaasna ay meesha uga baxdo in laga hortago fidida cuduradaas.

4. Sidoo kale waxay sheegeen in aytahay in ay haayaduhu isticmaalaan qurba joog wadata dhaqamada reer galbeedka oo wadanka gayn kara dhaqmada sahlaya inuu fido cudurkaan.. Siiba kuwa qurbaha tagay iyaga oo ka wayn 15 sano maadaama ay fududahay iyaga in maskaxda laga badalo oo loo isticmaalo si aysan dareemikarin. Islamarkaasna waxay shegeen in dadka dalka jooga ay aad u dhagaysanayaan dadka qurbahaha ka imanaya oo ay bidayaan ilbaxnimo iyo horumar.Waxay sidookale sheegeen in dhalinyarada qurbaha ku dhalatay aay sirta reer galbeedka si fiican u yaqaaniin oo ay adagtahay in laga dhaadhiciyo in haayadaha reer galbeedku ay u adeegayaan danaha Africa.Horaa loo yiri”Caanahaaga dhamaa caydaada yaqaan”. Sidoo kale waxay ku doodeen in ilmaha qurbaha ku dhashay ay ka baqaan ama ka xishoodaan in la arko iyaga oo xumaan faafinaya ama samaynaya sidaas darteedna ay wakhti badan qaadanayso in halkaas fursad fiican laga helo. Waxay sheegeen in qurba joogta loo adeegsan karo inay soo xero galiyaan dhaqmada daroogada iyo fisqiga ku saabsan waxayna gaar ahaan u xuseen qurbajoogta ka timaada yurub iyo Africa.

5.Sidookale waxay sheegeen in xaga guurka laga soo galo soomaalida maadaama aysan soomaalidu isbaarin marka ay isguursanayaan taas oo keeni karta in gabar ama wiil qaba cudurka HIV/AIDS in uu guursado qof kale oo aan qabin cudurka.Taas waxay ku tilmaameen tan kaliya oo lagu gaari karo xitaa kuwa bay dheheen garka iyo xijaabada dhaadheer ee ka fog sinada,daroogada iyo meelaha la iskugu yimaado ee bandhig faneedyada.

6.Sidookale waxay sheegeen in meesha laga saaro quraanka,dhirta iyo waxyaalaha kale ee soomaalidu wax ku dawaysato si aysan dawo ugu helin HIV/AIDSka iyada oo loo soo marayo dhakhaatiirta qurbo joogta ah iyo dadka caafimaadka ka tala bixiya si ay uga digaan tusaale ahaan in la isticmaalo dhirta.Taasna waxay cadaynaysa gaaladu inay rumaysanyihiin hadalkii nabi Maxamed CSW ee ahaa”cudur ma jiro ilaa aayad iyo geed baa loo soo dajiyay ee baara oo iska daweeya cudurada”
7. In laga bilaabo fidinta cudurkaan HIV/AIDSKA magaalooyinka dadkoodu u nugulyihiin qaadashada dhaqamada ay reer magaalnimada ku tuhmayaan ee aan laga bilaabin magaalooyinka mayalka adag.

Tusaale waxay u soo qaateen magaalooyin ay ka mid yihiin Qardho iyo Burco.Waxayna sheegeen in magaalooyinkaasi ay ku noolyihiin waalidiin, odayaaldhaqameed, culimo iyo dhalinyaro ku mayaladag xaga dhaqanka iyo diinta.Sidaa darteeedna waxay sheegeen in ay qaadanayso sanado badan in lagu faafiyo cudurka magaalooyinkaas. Halka ay sheegeen in magaalooyinka Hargeisa,Garoowe,Muqdisho,Djabuuti iyo xaafada soomaalidu ku badantahay ee Islii ay aad u sahlantahay in cudurka lagu faafiyo marka loo eego sida dadkoodu ugu nugulyihiin qaadashada dhaqamada kale sida in rag iyo dumar aan isqabin ay isla tuntaan.
Tusaale ahaan waxay sheegeen in dhalinayarad ku nool magaaloyinka ay kamid yihiin Muqdisho iyo Garoowe ay yihiin dad ku liita xaga dhaqanka soomaalida ee ku salaaysan xishoodka iyo kala soocida raga iyo dumarka.Islamarkaasna aysan ka haybaysan dadka ka wacyigaliya xumaanta. Sidookale waxay sheegeen in magaalooyinkaasi dadka ku nool ay qaatan hadba dhaqankii cusub ee ay arkaan sidaas darteenda ay fududahy in la dhexgalo oo lagu beero dhaqamo kale oo fududaynaya fidida cudurka HIV/ADIS.

Halka ay sheegeen in magaalooyinka Jigjiga,Djabuuti iyo Hargeisa ay ku noolyihiin dhalinyaro iyo dumar kaduwan kuwa Garoowe iyo Muqdisho lkn fursada ka banaani ay tahay in loo soo maro raga jaatka cuna iyada oo la maalgalinayo dumarka qaba cudurka HIV/AIDSKA ee laga soo waariday wadamada dariska ah iyo shaqaalaha haayadaha ee la nool cudurka HIV/AIDS.

Hadal iyo dhamaan waxay sheegeen hadii awooda ugu badan la saaro magaaalooyinka Hargeisa, Garoowe, Muqdisho, Djabuuti, Jigjiga iyo xaafada Islii ee soomalidu ku badantahay in 2030 sadexdii qof ee soomaali ah ee meel marayaba in labo ka mid ah ay la noolaan doonaan cudurka HIV/AIDs.

Arintaan waxaa iiga sheekeeyay saxiibkay AUN oo ladilay 2004.Inaan hadalkaan qoro maanta waxaa igu kalifay markaan arkay sida ay ayaamahaan u badatay hadalhaynta ah”soomaalida ayamahaan fisqi iyo xumaaan baa ku badatay”.

Soomaali hadaan nahay film ay dadkale mar hore diyaariyeen baa malinba qayb naloo jilaa. Anagu daawadayaal baan nahay cida faaidaysana waa shirkada iyo jilayaasha filmka.

War jiraaba cakaaru imaane bal aynu aragno soomaalida iyo 2030.

Waxaan ka soo xiganay Adan Maxamed Sanay