Animation

Warbixin: KIISKA BADDA: Guul Farxadeed iyo Bilowga Dagaal waxqabad run ah

no responses
Saturday February 4, 2017 - 8:46 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweyne shariif, R/Wasaare Cumar Cabdurashid iyo Mudane Cabduraxman C/Shakuur mid waliba waa diiday inuu isaga ka mas’uul yahay. Madaxweyne Shariif waxaa uu sheegay inuusan waxba ka ogeyn arrintaas dhacday intii uu hogaanka dalka hayey.

Bishan 2 deeda waxaa soo baxay mid ka mid ah go’aanadii ugu cuslaa ee saameeya taariikhda dalkeena ilaa intii aan gobannimada qaadannay. Maxkamada caalamiga ah ee ku taal dalka Holland, Magaalada Heeg (Hague) waxay go’aan cad ka qaadatay dacwaddii hortaallay maxkamaddaas taasoo dawlada Soomaaliya ee hadda uu waqtiga ka dhammaanayo ay horgeysay, kadib markii waddo kale lagu xallin waayey.

Waxaa Iyana xusid mudan, in Soomaaliya ay xillagan ku jirto marxalado qallafsan, kuwaas oo u baahan in si xil-kasnimo leh, isla markaarna taxaddar ku dheehanyahay loo wajaho. Ka sokow qaybsanaanta iyo dagaalaaddii sokeeye ee wiiqay jiritaankii waddanka iyo falalka argagixiso ee kooxaha arxanlaawayaasha ahi ku xasuuqaan boqolaal muwaadiniin ah, wuxuu dalku hadda ku jiraa doorasho ay madaxwenanimada ku tartamayaan afar iyo labaatan Musharax.

Dadkaas waxaa ka mid ah xubno ku cusub siyaasadda oo hubaal aan wax badan laga aqoon iyo kuwo soo qabtey xilal kala duwan, taariikhdoodana wax badan laga yaqaanno. Tusaale, waxaa ka mid ah xubnaha musharrixiinta ah kuwo soo qabtey (ama waliba haya) xilalka dalka ugu sarreeya, sida madaxweynanimada iyo ra’isul wasaaranimada. Waxaa sidoo kale ka mid ah wasiiro hore, danjire iwm.

Waxaa haddaba xusid mudan in dhawaan magaalada Nayrobi uu kulan afar-geesood ahi ku dhexmaray madaxweynihi hore ee Sooamaliya Mudane Shariif Shikh Axmed, Ra’isulawasaaraha hadda xilka sii haya mudane Cumar Cabdurashiid, Wakiillo dawladda Kenya iyo dawladda aan walaalaha nahay ee Imaraadka oo shakhsiyaad ka mid ahi ay beryahan aad u daneynayeyeen arinnta baddeena.

Madaxweyne Shariif iyo Cumar Cabdurashid waxay labaduba ahaayeen madaxdii abuuray arrintaan badda Soomaaliyeed geliyey khatarta ay ku dhowdahay in qeybo ka mid ah la qaato. Mudanayaashii hawshaan geystay hadda waa musharixiin u taagan mar kale hogaaminta dalka.

Shirka waxaa soo qaban qaabisay dawladda Kenya oo runtii wadnaha farta ku haysay kana baqaysay in caddaaladda ay soo cadaato, oo ay maxkamaddu caddaalada ee Heeg (hugue) qaadato go’aanka caddaallada ah ee aarintaan ku saabasan, sidaa darteedna go’aansato inay dhageysato dacwadda Somaliya iyo duudsiga Kenya ay ku doodeyso dhulbadeedkeenna.

Dawladda Kenya hadda waxaa horyaalla:

1. Kenya ayaa bilaabeysa qorshihii inay dadaal badan galiso inay saameyn xoog leh ku yeelato natiijada doorashada Somaliya ee 8 Febrayo, 2017, si ay ugu guulaysato soo saaridda xubno ay ku waddo inaaney ka hor iman doonin maslaxada iyo danaha Kenya.

2. Inay diyaariso dacawaddii loo gudin lahaa maxamadda Caddaallada ICJ.

Haddii qodobka hore u fulaa Kenya waa guuleysan kartaa oo badda iyadaa iska leh. Su’aashusa waxay tahay suuragal ma tahay inay Kenya u fududeeyaan barlamaankan ka kooban waayeel wax kala garanaya, Da’ dhexaad si cad u og xilka saaran, haween ku dayan kara Fowzia iyo Muna iyo dhalinyaro mustaqbal wanaagsan dalkan ku leh oo raba inay hogaanka la wareegaan?

Waxaa in la xusuusto mudan in waxa ugu muhiimsan ee Kenya isku difaaceysay ay ahayd “Is-fahamkii” ay Kenya la saxiixatey Soomaaliya xilliigii ay Sheekh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid hayeen talada dalka, kaasoo si dedban u leh waxay Somaliya oggolaatay inaan ka wadahallo inaan qeyb badeeda ka mid ah aan ku haysanno Somalida oo ay tahay inaan cid kale looga dacwon ee aannu annaga dhameysanno.

Waxaan in badan oo dadka siyaasadda daneeya ah aan ka qarsoonayn in Kenya ay taageero siiso Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid. Waxaan sidoo kale ka qatanayn taakulaynta Keyna Madaxwenihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif. Cabdiraxamaan Cabdishakuur oo ah wasiirkii lahaa saxiixa “Is-fahamka” isla markaana ah musharrax ku garbinaya xilka madaxweynanimada odayaashan, isagoo ku qanacsan doorka siyaasadeed ee Keenya, qirtana inuu haysto taageeradeeda. Waxaa haddaba is weydiin leh, maxaa isku hagaajiyey musharraxnimada saddexdan mas’uul ee ku lug lahaa heshiiska badda iyo taageerada Kenya.

Hubaal, Kenya oo aan rajo badan ka qabin inay ku guuleysan karto dacwadda haddii ay Maxakamadda ICJ dhageysato, ayaa ku taameysa inay hesho madax Soomaaliyeed oon ka hor imanaynin danaheeda oo ay ku taageerto qabashada xilalka ugu sarreeya ee Soomaaliya. Qorshaha Keenya ayaa ah in dawlada ay madaxdasi hoggaaminayso gasho khaladaad qorsheysan oo loogu hiilanayo Keenya, marka dacwadda rasmiga ah ee la xiriirta lahaansha dhul-badeedka la gudo galo.

Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid waxay ku kulmi karayeen Muqdisho oo ay ku wada sugnaayeen. Sidoo kale, haddayba u arkaan lagama maarmaan waxaa shiri karay iyaga oo kaliya. Waxaa is weydiin mudan, maxay ugu baahdeen in mas’uuliyiin Kenyan ah iyo xubno ka socdey Imaaraadka Carabtu ay goob joog ka ahaadaan kulamadooda? Maxaase laga fili karaa natiijada wada hadalladooda? Ma la oran waxaa lagu falanqeeyay dhibaatooyinka nabad-galyo, bulsho iyo dhaqaale ee saameeyey maalaayiin Soomaali ah? Ma laga fili karaa in lagaga wada xaajooday habsami u qabsoomiyadda doorashada inagu soo wajahan? Ma la oran karaa waxay ahaayeen kulammo xalaal ah, kana madax bannaan kooxaysi iyo shakhsi naceyb?

Sidoo kale, labada siyaasi, musharrax ee soo qabtey xilalka dalka ugu sarreeya, si wada jirra u geystay khaladaadkii siyaasadeed ee ugu foosha xumaa ee ka dhaca dalka (inta qoran ama la xusuusto) isla markaana wada shaqayn kari waayey, ma laga fili karaa iney la yimaadaan qorshooyin iyo istiraatijiyado lagu samata bixin karo dalka? Waxaan hubaal ah in aad loogu jahawareereyo, maxay markey mas’uuliyiintani fursadda haysteen u qaban waayeen waxay hadda leeyihiin waan qaban doonnaa?.

Haddiiba uu midiba kan kale u arko siduu hadda ka sheegayo maxay u wada shaqayn kari waayeen? Ma la oran karaa waxay ku heshiis yihiin oo kaliya inau kursiga ka kacsadaan Madaxweyne Xasan Sheekh ooy wax kasta u quudhayaan la dagaallankiisa haba ahaato hibaynta qaybo ka mid ah dalka ay rabaan inay xukunkiisa qabtaan? Jawaabaha su’aalahini waa kuwo cidiba siday la tahay u bixin karto, mana ahan kuwo si cad u qeexan. Waase xaqiiqo inay i xusuusisey maah-maahdii ahayd “Nin ku dliey hoos (hadh) kuuma jiido”.

Ma u malaynayo inuu jiro shakhsi Soomaaliyeed oo ay ka qarsoonyihiin dhibaatooyinka ka jira waddanaka, haba lagu kala duwanaado isla tilmaamidda xaddigoodee. Waxaase lagama maarmaan ah in marka laga hadlayo wax qabad oo loo baahdo in si aan caadifad ku jirin loo cabbiro, ugu horreyn la isla waafaqo meesha laga yimid (what was the baseline?), meesha la soo gaadhay iyo hantida iyo cududda loo adeegsadey in meshaas la soo gaaro. Waxay tahey in la is waydiiyo caqabadaha jirey ee saamixi waayey in meesha la soo gaaray meel ka wacan la gaaro.

Waxaa kaloo ay tahay in dib loo eego sidee ayey ahayd nabadgalyadu markii uu madaxweyne Sheekh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid talada dalka qabteen. Intee in le’eg ayey xoogagga argagixisadu gacanta ku hayeen dalka iyo waliba caasimadda? Muddo kooban ooy xilka dalka hayeense inteey soo gaareen? Wakhtigaas argagixisadu ma xoogeysanayeen mise sii wiiqmayeen? Maxaa sababey? Maxaa ka qabsoomey dhanka hagaajinta dawladnimada?

Barlamaanka Cusub

Waxaan aaminsanahay in Baarlamaankii Soomaaliya ee laaley qorshihii gurracnaa ee Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Ra’isulwasaare Cuamr Cabdirashiid ay xilligaas ka qorsoonaayeen xogo badan. Waxaa suurogal ah inay xogohaasi ay xallin lahaayeen dhibaatooyin badan ooy maanta xallintoodu adagtahay.

Waxaa suurtogal ahaan lahayd iney tallaabooyin sharci iyo kuwo siyasadeedba ka qadan lahaayeen shakhsiyaadkii geystey fal dambiyeedkaas qaran. Waxaa maanta farxad ah in Barlamankan cusubi uu aqoon iyo waayo-aragnimaba kaga horreeyo kii xilligaas, isla markaana helay xogo badan oo u muhiim ah go’aan qadashadooda siyaasadeed. Sidaa darteed, ma filayo inay gacan ka gaysan doonaan, si toos ah iyo si dadbanba, bixinta taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed ha ahaato berriga iyo baddaba.

Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh waxay runtii door muhiim ah ka cayaartey arrinta dacwadda badda, waxaase Iyana muhiim ah inay Baarlamaanka iyo dawladda xigtaba ku caawiyaan wixii xog iyo dukuminti ah ee ay gacanta ku hayaan, si dedaalka iyo wax qabakaba loo sii xoojiyo. Waa in Baarlamaanku ogaado, go’aankan ma aha gabagabadii arrinta, waa bilowgii furitaankii dacwadda lahaanshaha dhul-badeedka.

Kenya mar waliba waa u dagaal waayo waxaa furmeysa dacwadda ah dhul-badeedka yaa leh? Waxayna Kenya ku khasban tahay abuurka madax ay ku shaqeysan karto. Somaaliyana waa la mid waxaa u bilaabanaya dagaalka xoggiisa oo ku billaabanaya doorashda madax ka madaxbannaan danaysi iyo kooxaysi, khibrad iyo waayo aragnimana leh, isla markaana dhibaatooyinka wajihi kara iyagoo tixgalinaya fursada jira iyo caqabadaha ina hortaaganba.

Gabagabadii barlamaanka waxaa ay qorahan ugu baaqeysaa inay maanka ku hayaan culeyska arrintaan iyo mas’uuliyadda ay shacbiga Soomaaliyeed ka filayaan. Waxaana laga rabaa inay si dhow ula socdaan oo aysan hadhow ku doodin nalooma sheegin iwm. Wax maanta ay codeyn ku xallin karaan beri yey ummadda ku khasbin in dhiig lagu doono.

Waxaa ammaan mudan Madaxweyne Xasan sheikh iyo intii kala shaqeysan sida Fawzia Xaji Adan oo runtii ah gabadh wax badan oo qima leh qabatay intii xilka haysay iyo haddeer oo aan ka filayo inay u tafaxeydato arrintaan. Waxaa kaloo ammaan mudan Qareen Muna sharmaan oo ahayd qareenkii hogaamineysa qareenada caalamiga ah, waxaana keentay Fawzia xaaji Adan. Sidoo kale Dr. Cabdiraxman Bayle iyo Dr. Cabdisalaam Hadliye oo iyagana shaqo qiima badan ka qabtay arrintaa.

Waxaa jira warar sheegaya Madaxweynihii hore Somaliya Muadane Cabdullahi Yusuf Axmed ahn, R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen iyo Gudoomiye Sheekh Adam Midoobe inay diiden inay saxeexaan is afagradkan dhibta geysatay (MoU), iyagoo u arkay inay khalad tahay una baahan tahay dawlad turxaan bixisa oo iska hubisa waxa la saxeexayaa.

Waxaan rajeynaa in baddeenna ay gacanteenna ku soo celin doonto dawladda soo socota iyadoo ku shaqeyneysa khibraddii laga helay hawlihii la soo qabtay ee keenay in Kenya ay rafashada ku jirto oo ay rabto inay nakala dallaasho si ay u hesho koox ay ku adegan karto.

Waxaan rabbi ka baryeynaa inuu cadowga gudaha iyo kan dibaddaba nooga hiilliyo.

W.Q. Maandeeq Mohamed