Warbixin: Haddii Mooshinka Jawaari Codeyntiisa ay gacan taag noqoto Maxaa ku Dhici Kara Wasiirrada Xildhibaanada ah?

0

Sida uu qabo dastuurka KMG ah haddii guddoomiyaha baarlamaanka laga keeno mooshin cod u qaadis ah codeynta mooshinkaas waxa ay noqoneysa mid qarsoodi ah oo aan aheyn mid gacan taag oo furan.

Haddaba mooshinka laga keenay guddoomiye jawaari waxaa u badan wasiirada xildhibaanada ah waxaana xukuumadda dedaal xooggan ku bixineysa in codeynta mooshinka ay noqoto mid gacan taag ah .

Xukuumadda ayaa arrintaan uga gol leh in lagu ogaado xildhibaanada jawaari u codeeya ee difaacay iyo kuwa mooshinka u codeeyay.

Waxaa jira wasiiro badan oo xildhibaano ah oo aan dooneyn in jawaari meesha laga saaro balse cabsi ay u baqayaan xilkooda ayey mooshinka qeyb uga noqdeen waxaana macquul ah haddii codeynta mooshinka ay noqo mid qarsoodi ah ay codkooda ku difaaci doona guddoomiye jawaari.

Xukuumadda waxaa ka go’an in codeyntu ay noqoto mid gacan taag ah markaasi oo ay kala cadaan doonto wasiirada xildhibaanada ah iyo xildhibaanada ku dhaw dhaw xukuumadda in mooshinka ay u codeeyeen amaba in codkooda ay ku difaaceen Jawaari.