Warbixin: Eng Yariisow Meel haku Sheego Xuquuqda Laba bilood Mushaarkooda oo ka maqan dhalinyaradii Gobolka Banaadir uu shaqaaleysiiyay.

0

Iyadoo maamulka gobolka Banaadir uu shaqaalleysiiyay kumanaan dhalinyaro ah oo ku nool caasimadda ayaa waxaa cabasho xooggan oo dhanka musharaadkooda ah ay ka soo yeereysa dhalinyaradii gobolka uu shaqaalleysiiyay .

Muddo laba bilood ah mushaarkooda weli lama siinin kumanaan dhalinyaro ah oo uu kamid ah yahay qof ila soo xiriiray oo aan magaciisa warbaahinta u isticmaali karin waxaana uu dhowr jeer ii sheegay in uu tagay dagmada warta-nabadda oo isaga markaa uu daganaa lagana shaqaalleysiiyay.

Wiilka dhalinyarada ah wuxuu ii sheegay in muddo hal bilood mushaarkeeda uu qaatay wuxaana qandaraaska shaqaalleysiintiisa ay aheyd muddo 3 bilood maadama uu kamid ahaa ardayda jaamacaddaha ka qalin jabiyay .

Mashruuca shaqaalleysiinta wuxuu u kala baxay 3 qeybood oo kala ah, Ardayda Jaamacaddaha ka baxay , Ardayda dugsiyada sare ka qalin jabiyay iyo dhalinyarada barakacayaasha ah waxaana isku waqti ah oo qandaraaskooda shaqaalleysiinta uu simanyahay ardayda dugsiga sare iyo dhalinyarada barakacayaasha ah waxaana ay shaqeynaayeen muddo 6 bilood ah halka ardayda jaamacaddaha ay shaqeynaayeen muddo 3 bilood ah.

Isagoo la anfariirsan sababta mushaarkiisa labada bilood ah uusan u helin tan iyo markii uu dhacay isbeddelka maamulka gobolka banaadir oo thabit lagu beddelay Eng yariisow ayaa waxaa mardhaweyd laga soo wacay dagmadii uu ka shaqeynaayay ee warta-nabadda.

Saakay ayuu tagay xarunta dagmada waxaana markii uu tagay loo soo bandhiggay qandaraas cusub oo laba bilood ah taasi oo uu shaqeyn doono islamarkaana uu qaadan doono mushaar lacageed oo 400 dollar gaareysa ma xuma shaqadaan cusub waxaase uu weydiiyay maamulkii shaqaalleysiinta dagmada in ay meel ku sheegaan mushaarka isaga iyo kumanaan dhalinyaro ah ka maqan ee laba bilood ah lacagtooda ah waxaana jawaab looga dhigay ” Ninyahow hadda shaqeyso oo labadaan bilood lacagtooda qaado marka ay dhamaato” waxaana uu markale is weydiiyay iyadoo aan weli helin xuquuqda aan leeyahay sidee maamulka dagmada iyo kan gobolka uu qandaraas cusub oo shaqaaleysiin ah usoo bandhigayaa?.

Amnigooda ayaa halis ku jira waxa ay ku shaqeeyaan waa daruuf adag oo noloshooda ay ku weyn karaan sidaasi oo ay tahay ayaa haddana xuquuqdooda la duudsiinaya.

Marka aad eegto sida ay wax u socdaan waxaa dareemeysa in dhaqaallihii loogu tala galay dhalinyarada la shaqaalleysiiyay ay jeeb kale ku dhacday is beddelkii maamul ee gobolka ku dhacayna uu sabab u noqday in kumanaan dhalinyaro ah xaqooda ay waayaan.