Warbixin: Dowladdaha Dariska oo qiray in Dowladda Farmaajo ka guuleeysay Imaaraat-ka iyo xulafadiisa

0

Imaaraat-ka carabta oo Faragalin qaawan ku haayay dalka soomalia ayaa waxa uu muddo dhowr sanadood ah danahiisa gaarka ah u adeegsanaayay dowladdo daris la ah soomalia iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Dowladda Itoobiya oo xulufo dhaw ay yihiin Imaaraat-ka carabta saamina laga siiyay dekedda berbera ayaa waxa ay hadda bilowday in ay dib uga baxdo heshiiska dekedda berbera iyadoo aragtay cawaaqib xumada heshiiska ka dhalan karta iyo in Imaaraat-ku ka difaaci karin dacwaddaha soomalia uga imaan kara sidaas darteed dowladda itoobiya hadda waxa ay qorsheyneysa in heshiiska dekedda berbera gabi ahaan ay isaga baxdo.

Dowladda kenya oo daris la’ah soomalia ayaa waxa ay hadda garwaaqsatay in Imaaraat-ka cadabta uu faragalin aan la fiirsan karin ku haayo soomalia iyo dowladdeeda curdunka ah waxaana madaxweynaha kenya Uhuru kenyatta uu Imaaraat-ka ugu baaqay in faragalinta uu ka joojiyo soomalia.

Dowladda hadda jirta ee soomalia oo ay hoggaamiyaan madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare kheyre ayaa waxa ay lagdeen danaha Imaaraat-ka carabta ee soomalia uu ka lahaa iyagoona caalamka u muujiyay hagar daammadii qarsooneyd ee muddo sanado ah uu Imaaraat-ka soomalia u dhigaayay.

Hadda Imaaraat-ka waxaa uu dareemaya in la joogo waqtigii soomalia awoodeedi soo ceshan laheyd maadama ay u dhalatay dowlad ay hoggaaminayan madax karti badan oo aan lagu indho sarcaadin karin malaayiinta dollar ee xukuumadda Abu dhabi ku laaluushi jirtay madaxda soomalia markaasna ay danaheeda gaarka ah dalka ka fushan jirtay.