Warbixin: Axmad Madoobe iyo Macaashka Dhoofinta Dhuxusha Sharci Darrada ah.

0

Golaha Amaanka ee qaramada midoobay ayaa sanadkii 2012-kii uu meel mariyay sharci mamnuucaya dhoofinta iyo in laga ganacsado dhuxusha dhulka Soomaalida laga gubo.
Mid ka mid ah dadka ololeeya la dagaanka xaalufinta dhulka ayaa sheegay in 80% dhuxusha laga jaro Soomaaliya loo dhoofiyo dalka dibadiisa iyada oo qiyaastii waxa ka yar laga isticmaalo gudaha dalka.

Dhuxusha ugu badan ee sharci darrada ah waxaa laga dhoofiyaa magaallada kismaayo oo uu ka taliyo Axmad madoobe waxaana marag ma doonta ah in axmad madoobe uu aad uga macaasho dhoofka dhuxusha sharci darrada ah.

Axmad madoobe wuxuu si bareer ah u jabiyay sharciga qaramada midoobay ku mamnuucday in dhuxasha laga dhoofiyo soomalia waxaana intaa u dheer in shirkaddo gaar ah uu ku wareejiyay dhoofinta dhuxusha.

Shirkadda Star oo ka diiwaan gashan Imaaraadka ayuu heshiis kula galay dhoofinta dhuxusha isagoo taa beddelkeeda dhaqaallo badan ka heli doono shirkadda.

Qodobada heshiiska uu axmad madoobe la galay shirkadda Star waxaa kamid ahaa

1) in shirkadda STAR kaliya ay Dhuxusha dhoofin karto

2) In Axmad madoobe shi shaqsi ahaantiisa loogu hormariyo lacag dhan $2,200.000 (labo Milyan iyo labo boqol oo kun) lacagtaas waxaa loo shubay Mudane Ahmed Madoobe ka hor shirkii London.

3) In bil kasta shirkadda STAR ay siiso maamulka Jubbaland $500,000 iyadoo loo marinayo Abdi Ali Raage (La Taliyaha Madaxweynaha Jubbaland) Account uu ku leeyahay magaalada Muqdishu.

Axmad madoobe oo horay madax uga soo noqday jabhadii islaamiga ahaa ayaa waxaa uu suurta galiyay in heshiis uu la galo alshabaab kaasi oo ku saabsan dhuxasha laga keeno meelaha ay maamulaan wuxuuna shabaabka kula heshiiyay in dhuxasha laga keeno deegaanada ay ku suganyihiin wuxuuna jawaankii dhuxusha ah ka siiyaa lacag dhan $2.50 taas oo dhaqaall badan u abuurtay kooxda alshabaab.

Axmad madoobe oo waqtigiisa jubbaland uu soo dhamanaayo ayaa waxaa uu darbiyada madaxa kula dhusanaya in uu dhaqaallo badan ku bixiyo in kursiga uu dhaxal ahaanka u heysto uu kusii fadhiyo wuxuuna adeegsanaya siyaasiyiin iy xildhibaanno calooshood u shaqeystayaal ah balse dadka reer jubbaland ayaa aad uga dharagsan dhagarta iyo hagar daamada axmad madoobe muddo 5 sano ah ku waday shacabka jubbaland oo uu cuuryaamiyay waxaana uu 5 sano dhaafi la’yahay madaxtooyada kismaayo iyo madaarka diyaraaddaha.

Siyaasi ama xildhibaan qofkii isku dayaa in uu toosh ku shido maamul xumada iyo dhaqanka kali talisnimada axmad madoobe waxaa loogu caga jugleeya in la dili doono ama laga masaafurin doono magaallada kismaayo.

Mudadii axmad madoobe ka talinaayay jubbaland waxaa kismaayo ka dhacay gabood falo ka baxsan beni aadanimada waxaana ugu dambeysay falkii askari ka tirsan ciidanka maamulkaasi uu kismaayo ku dilay haweeneydii uu qabay isagoona kusii faanay in uu ka dhashay qabiil aan sharcigu qaban taasi oo niyad jab ku riday ehalka marxuumadda uu dilay askariga.

Kacdoonka xoreynta jubbaland ee dhawaan muqdisho looga dhawaaqay waxaa si aad ah usoo dhaweeyay shacabka jubbaland ee dal iyo dibadba ku sugan kuwaasi oo aad u dhibsaday maamul xumida axmad madoobe waxaana ay taageero hiil iyo hoo ahba u muujiyeen isbaheysiga mucaaradka ah ee axmad madoobe kursiga ka tuuraya.