Animation

Warbixin: Akhriso Q.M oo soo Bandhigtay Tirada Rasmiga ah ee ka barakacay Magaalada Galkacyo Tan iyo inta ay Dib u Bilowdeen Dagaalada

no responses
Monday October 24, 2016 - 7:54 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xafiiska iskuduwida arrimaha bini-aadanimo ee QM, ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan OCHA ayaa warbixinta uu ka sameeyey xaaladda dagaalka ee magaalada Gaalkacyo waxaa ay ku sheegeen in ay xaaladda dadka magaaladaasi ku nool ay liidato. Sida ay warbixintu qortey, 18 qof ayaa ku dhintey 60 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaalkan tan iyo 7dii bishan aan kujirno ee October. Sidoo kalena, qiyaasta bahwadaagta ka shaqeynaya arrimaha bini-aadanimo waxaa dagaalkan wali socdaa ku barakacay dad ka baddan 75,000. Hasa ahaatee maamullada deegaanku waxaa ay sheegayaan in tiradu intaas ka baddan karto, maadaama uu barakici wali socdo oo dagaalka laga qaxayo.

Dagaal xooggan ayaa doraad oo ay bishan October 22 ahayd dib uga soo cusboonaadey magaalada Galkacyo, kaas oo lagu diley 6 ruux 21 kalana lugu dhaawac, islamarkaasna kumanaan dad ah u barakiciyey daafaha magaalada sida ay sheegeen maamulada magaalada. Dagaal xooggan ayaa subaxdi hore ee maanta laga soo sheegayaa. Sida ay warbixinto OCHA qorteyna, 20% qiyaastii dadka dagaalka ku dhintey iyo dhaawacaba baddan waa shacab ay intooda baddan rasaas wiifto ah haleeshey. Dhamaan degaanadi barakacayaasha waala faaruqiyey. Koonfurta Gaalkacyo waxaa ka qaxay 20.000 oo barakacayaal halka ay waqooyiga Gaalkacyo ka firdhadeen 60.000, sida ay warbixintu sheegtey. Qaybta barakacayaasha ee waqooyiga magaalada waa markii labaad ee ay la kulmaan qax, guud ahaana waxaa mar labaad Gaalkacyo ka qaxay 40.000 oo dad ah.

Dadaal dheeraad ah oo ay dowlada dhexe ee Soomaaliya ku dooneyso in ay colaada ku damiso ayaa socodo. Bishii 12naad ee sanadkii tagey ee 2015-kii, mar uu dagaal kan la mid ah ka biloowdey Gaalkacyo ayaa dadaalka dowlada Federaalka ah iyo kuwa gobolka sida IGAD waxaa ay horseedeen wadahadalo xabadidi joojiyey. Hasa ahaatee, talayoonki la soo jeediyey xabad joojintaas kadab ayaa waxaa ugu muhiimsanaa in la sameeyo gudi iskudhaf ah oo daraasadeeya sababaha aasaasiga ah ee dhaliya soo noqnoqoshada dagaallada magaaladan. Balse taladaasi waxaa ay noqotey hal bacaad lagu lisey maadaama meeshii heshiiska lagu sixiisay aan laga qaadin.

Qorsheyn ay wadajir usameeyeen bahwadaagta arrimaha bini-aadanimo ee Gaalkacyo iyo maamullada deegaanka 19ki bishan 10naad ayaa lagu gaarey in dhamaan deegaanada barakacayaasha ee xaafada Galsoor ee degmada Gaalkacyo, laga raro dadka ku dhaqan. Waxaa sidoo kale guryahooda faaruqinayo dadka deegaanka oo dareensan in uu dagaalku qaadanayo mudo ka dheer inti markii hore la qiyaasayey. Reer Gaalkacyana waxaa ay aad uga cabaneysaan heshiis la-aanta labada dhinac. Degmada gaalkacyo waxaa ku nool bulsho dhan 270.000 sida ay warbixintan kasoo xigatey hayd-ada QM u qaabilsan kubcinta tirade dadka ee loo soo gaabiyo UNFPA. Dhibaatooyinka ka dhalanaya dagaalka Gaalkacyo waxaa ay sii murjinayaan xaalada barakacayaasha oo markeedii horeba murugsneyd. Taas oo ciriiri sii galineyso kaalmadii yareyd ee markii horeba loo hayey dadka barakacayaasha ah oo ay kuwo horleh abaaraha soo barikacsheen.

Warbixinta hay-adan OCHA waxa kale oo ay wax ka qortey raad ka ay dagaaladan ku yeesheen xaallada Bini-aadanimo.

Qiyaasta bahwadaagta arrimaha bini-aadanimo ee deegaanka howlgala, waxaa magaalada ka qaxay in ka baddan 75.000 ilaa iyo 22 October oo ah 2 maalmood oo ay dagaalo socdaan ka hor. Sidoo kale, waxaa la faaruqiyey 13kii xero ee barakacayaasha ee koonfurta iyo 8dii waqooyiga dhamaantood. Dadka magaalada ka qaxay intooda baddani waxaa ay u kala qaxeen tuulooyinka magaalada iyo nawaaxigooda. Qaybaha kale ee dadka deegaanka ee qaxayna waxaa ay gaareen miyiga iyo magaalooyinka ku dhow Gaalkacyo iyaga u martiyey ehel iyo asxaabtoodaba. Hasa yeeshee dadka barakacayaasha ah waxaa ay u baahan yihiin deegaan, raashin, biyo nadiif ah, caafimaad, nafaqeyn iyo difaac la xariiro faragelin lagu sameeyo.

Sidoo kale, barakacayaashaa waxaa raad ku yeelanayo roobbabka Dayrta oo culeys ku noqonayo dadka banaanada u hoyanaya. 80% dadka barakacayaasha ah waa waayeel, haween iyo caruur. Sida ay warbixinta qortey, tan iyo intii uu dagaalku biloowdey 4 duulimaadyo oo gaalkacyo tagi lahaa ayaa la baajiyey arrimo amni dartood. Dagaalka Gaalkacyo waxaa kale oo uu saameeyey waxbarashadi, 20.000 oo ardey ayuu dugsiyadi waxbarashada ka hor istaagey. Hay-adihi gargaarkana waxaa ku yaraadey howlawadenadi maadaama arrimo amni awgood uu dhaqdhaqaaqi magaalada yaraadey. Sidoo kalana, nolasha bulshada waxaa raad ku yeeshay ganacsigi oo intiisii badneyd xirmey, inta soo harteyna ay furitaankoodu xadidanyahay. Dadka reer miyaga ah iyo kuwa ka ganacsado xoollaha oo iyaguna ku xirnaa suuqa xoollaha ee Gaalkacyo ayuu dagaalku saameyn ku yeeshey. Ganacsatadan ayaa xoollo baddan ku rarta gaadiid iyaga oo u safriyo magaalada Boosaaso. Magaalada Gaalkacyo waa mid xudun u ah dalka maadaama ay isku xirto gobolo baddan sida Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug oo ay caasimad utahay. Dallaga beeraha kasoo go’a ee koonfurta iyo bartamaha dalkana waxaa qaybo baddan oo ka mid ah ay maraan isla Gaalkacyo.

Warbixintan ayaa sidoo kale eegtay heerka gargaarka degdega ah ee loo fidiyey dadka ay dagaalado aafeeyeen.

Tan iyo markii ay dagaaladu biloowdeen ayaa Bahwadaagta arrimaha bini-aadanimo ee Gaalkacyo oo ay wadashaqeynayaan hay-adaha caalamiga ee arrimaha bini-aadanimo iyo bulshada rayidka waxaa ay bilaabeen gargaar la gaarsiinayo dadka barakacay. Waxaana goobaha ay barakacayaashu isugu tageen laga sameeyey xarumo caafimaad iyo nafaqeyn oo ku meelgaar ah. Hay-adaha caafimaadka iyo nafaqeynta ku howlana waxaa ay labo jibaareen adeegoodi, iyaga oo maalintiiba gaara dad dhan 5.000 oo qof. Dadka barakacayna waxaa la gaarsiiyaa biyo dhaamin ka baddan 30.000 liter. Waxaa ay hay-aduhu magaalada Cadaado ku diyaariyeen 95.000 oo sanaaduuqda qalabka nadaafada, kaas oo anfacayo dad gaaraya 60.000.

Waxaa Gaalkacyo ka hawlgala 3 hay-adood oo Qaramada Midoobey ah, 14 hay-ado caalami ah iyo 27 hay-ado deegaan.