Animation

WARBIXIN: Akhriso K24 Oo Idin Soo Koobeysa Taarikhda Musharax RW CCC Sharmarke, Iyadoona………………..

no responses
Thursday September 8, 2016 - 4:48 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Bal an waxyar ka baranno taariiq Nololeedka murashaxa madaxwaynaha dalka somalia ee sanadkaan 2016 ka dhici donta dalka hadii alle ogolaado

Dr cumar c/rashiid cali sharma’arke wuxuu dhashay 18 june 1960 maalmo yar ka hor xornimadii dalkeenu qaatay

Dr sharma’arke wuxuu ka soo jeda qoys geyiga somaliada iyo caalamkaba taariikh ku leh

Awoowgi waa cali sharma’arke wuxuu ahaa nin caan ka ahaa geyiga somalidu degto wuxuu ahaa aftahan isla markaana gabyaa ah deeqsina ah

Aabihii abdirashiid cali sharma’arke wuxuu ka mid ahaa dhalintii faro ku tiriska ayayd ee u soo halgantay xornimada dalka wuxuu ahaa raysal wasaarihii u horeeyey ee ay somalia yeelato xornimadii kadib isla Mar ahaantaana noqday madaxweyni hii labaad ee dalka 1967 wuxuuna geeriyooday isagoo xilka haya

Dr omar abdi rashiid hooyadii waxay ahayd ruqiya macalin daahir oo ka soo jeeday qoys taariiq leh isla mar ahaantaana waxay ahayd aqoon yahanad

Xagga aqoonta Dr Omar Abdirashiid

Waxbarashadiisa ilaa heer jaamacaded wuxuu ku dhamaystay caasimadda dalka muqdisho wuxuu ka qalin jebiyey jaamacaddii ummadda somaliyeed ee gahayr wuxuuna ka bartay cilmiga dhaqaalaha
Sidoo kale wuxuu waxbarashadiisa sare ayuu ku qaatay dalka canada wuxuuna ka baxay jaamacadda cetleton university ee magaalada ottawa wuxuuna ka bartay cilmiga siyaasadda shahaadad B,A kadibna M,A ayuu ku qaatay
Siyaasadda iyo dhaqaalaha Mr sharma’arke sidoo kale dhanka khibradaha shaqo

Khibradihiisa shaqo waxaan ka xusi karnaa

Shaqadiisi u hoaraysay wuxuu ka bilaabay bangigii dawladda somaliya iyo shirkaddii coca colla intaas ka dib wuxuu u wareegay hay’addo aan dawli ahayn sida centre for peace and development initiatives ee dalka Canda

Sanadkii 2000 Mr sharma’arke wuxuu ka shaqo bilaabay qaramada midoobay isagoo uga soo shaqeeyey dalal aad u khatar badan sida Sri Lanka iyo Sierra Leone iyo sudan iyo dalal kale wuxuuna ka soo noqday lataliye siyaasadeed iyo madaxa arimaha bulshada waxaa dhaawac loogu gaystay sudaan isagoo ku sugna xarunshaqo sidoo kale sanadki 2008 wuxuu LA taliye u soo noqday alle ha u naxariiste madaxwayne c/laahi yusuf axmed

13 bishii sadexaad ayaa maxadwayne sheekh shariif sheekh Axmed u magacaabay raysalwasaaraha dalka somalia

Waxaana ansixiyey baarlamaankii tirada badnaa ee ahaa 550 oo markaas jabuuti ku sugnaa

Xiligii LA magacaabay dalku wuxuu ku sugnaa arin xasaasi ah oo aad u adag baarlamaanka dalku wuxuu ahaa labo garab oo kala fog lkn u baahnayd nin isagoo kale ah inkastoo dawlada somalia ay xiligaas gacanta ku haysay madaxtoyada garoonka iyo dekedda lkn markii dame ay guulo badan gaareen

Intaa kadib bishii may sanadkii 2010 waxaa khilaaf soo kala dhexgalay Mr sharma’arke iyo madaxwayne sheekh shariif waxaana jiray khilaafkale oo barbar socday oo LA doonayey in gudoomiyihii baarlamanka e xiligaas sheekh aadan madoobe xilka looga qaadayey

16 may 2010 waxaa ku dhawaqay in xukuumaddu dhacday sheekh aadan madoobe lkn isagiina waxaa waxaa lagu dhawaaqay in xilkii laga qaaday oo gudoomiye baarlamaan loo doortay xaaji shugri sheekh aadan

Taas oo khasabtay in sheekh aadan madoobe lagu qanciyey in uu is casilo oo uu qaato wasiir Intaas kadib intaas kadib raysalwasaare sharma’arke ayaa ganafka ku dhuftay soo jeedinta madaxwayne sheekh shariif oo ahayd mid ku kooban madaxwaynaha keliya lkn markii laysku qabtay dastuurkii xiligaas oo ahaa mid qabyo ahaa waxaa intaa kadib goaan kii. Ka laabtay madaxwayne sheekh shariif intaas kadib

Raysalwasaare sharma’arke wuxuu doorbiday in uu booska baneeyo oo uu jaanis siiyo madaxwayne sheekh shariif 21 September

Mr sharma’arke ayaa madaxwayne xasan sheekh maxamuud wuxuu u magacaabay safiirka somalia ee dalka maraykanka waxaa waraaqaha aqoonsiga 14 July 2014 ka gudoomay madaxwaynaha maraykanka barack obama

Intaas kadib 2014 bishii 12 wuxuu marlabaad noqday raysalwasaaraha somalia

Waa shaqsiga keliya ee somali ah oo labo jeer noqday raysalwasaare somaliyeed iyo safiir

Intaa kadib maanta waa murashax madaxwayne somaliyeed wuxuu murashax nimadiisa ku dhawaaqay 5 September ee sanadkaan

Waa shaqsi aan weligiis ku guul daraysan shaqada qaranka arin kasta oo xal laga gaari waayo isaga xalka keena ku mutaystay amaanta uu maanta haysto

Ugu damayn muxuu aabihii kala mid Yahay

1,)waa siyaasi degan oo ka madaxbanaan qabyaalad

2,)wuxuu soo maray raysal wasaare wuxuuna u sharaxan Yahay madaxwayne

3,)Mr abdirashiid ali sharma’arke wuxu ka degay dalka maraykanka isagoo raysal wasaare ah wuxuu ka codsaday in ciidamada millateriga loo dhiso lkn markii uu maraykanku diiday wuxuu Mr abdirashiid ali sharma’arke ka degay rusiya Taas oo guul u soo hoyday somalia

Sidoo kale Mr cumar cabdirashid sanadkaan horaantiisi isagoo raysalwasaare ah wuxuu booqday dalka maraykanka wuxuuna ka codsaday in ciidamadii somalia LA dhiso gacanna ay ka gaysato dawladada maraykanka lkn markii ayka cago jiidday wuxuu zidii aabihiis ka degay dalaka Rusia waxayna isla meel dhigeen in dibloo dhiso ciidamadi somalia markii uu dalka dib Ugu soo laabtay waxaa dalka ruushka si deg deg ah ku tegay maalintii xigtay wasiirka arimaha debaedda ee dalka Ethiopia iyo wafti uu hogaaminayo

Sidoo kale waxaa muqdisho si deg deg ah ku yimi wasiirka arimaha debadda maraykanka iyo taliyaha guud ee ciidamadad maraykanka

4) madaxwayne abdirashiid ali sharma’arke markii doorashada somalia soo dhowayd wuxuu soo gutay waajibaadkii xajka

Sidoo kale Mr omar abdi rashiid wuxuu sanadkaan booqday xaramka isagoo soo cimraystay alxamdulilaah

5.) Waxay iyagoo raysal wasaarayaal ah waqtiyo kala duwan booqdeen dalka talyaaniga oo somalia sxb dhaw LA ahaa