Somali News

Warbixin”’ Muqdisho Waaya Badan Maanta Waa Muraayad ( SAWIRRO ) W/Q Weriye Maxamed Xuseen Axmed [DAACAD}

Muqdisho waxeey ka soo kabaneysaa burburkii xooganaa ee gaaray sanadihii dowlad la’aanta aheyd waxaana haatan laga dareemaa in dib u soo ceshaneyso Bilicdeedii ay la heyd bariisamaadka Caasiamda Dalkeena ee Muqdisho.
Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya dhismooyin xoogan iyo dayartir dhanka Wadooyinka Muqdisho waxaana iska kaashanaya ganacsado iyo hay’ado Taageera dowlada soomaaliya.
Sanadihii Dowlad La.aanta wadanka ka jirtay soomaaliya gaar ahaan magaalada muqdisho waxa ay soo martay mar xalada kala duwan waxa ayna hooy u aheed risaas Kul kulul.
Dadkii horay ugaranayay Muqdisho waxaa muuqata in hada uu dareemi karo dayactirka lagu sameeyay Wadooyinka muqdisho.
Laamiga wadooyinka oo la dhisay xiligii dowladii Maxamed siyaad Bare ayaa wili ah halka la isticmaalo waxaana wili uu ku harsan yahay wadada wershada ee muqdisho oo aan wili si xoog leh ubur burin.
Muqdisho waxa ay caan ku aheed Goobo Loo dal xiistago waxaana ka mid ahaa goobahaas Hotel Curubo oo hada wili bur bursan.
Ganacsatada soomaaliyeed ayaa xil iska saaray in wadan kooda ay ka sameeyaan ganacsiyo kala duwan waxaana taasi ay sababtay in goob kasta dayactir lagu sameeyay.
Alshabaab ayaa Muqdisho isaga baxay 6 August sanadkii 2011 waxaana xiligaas Muqdisho muuqaalkeedu ahaa qaabkaan.

Hotel_Global023032-640x480

Sawirka aad aragteen waa hoteelka golobal oo ku yaala degmada c/casiis ee gobalka banaadir.
Muuqaal ahaan marka la eego xiligaan muqdisho waa Muraayad waayo waxaa jirta in wadooyinka qaar xiligaan ay yihiin kuwa aad loo habeeyay waxaana sidoo kale jirta Gaadiidka Nuuca Raaxada oo aad looga isticmaalo Muqdisho.
Goobaha din udayactirka lagu sameeyay waxaa ka mid ah xarunta xiligaan uu ku howl-galo maamulka gobalka banaadir.

uno

waxaana sidoo kale aad loo habeeyay dhismaha hareeraha xeebta liido oo dadka ay aad ugu dalxiisaan.

Xeebta-Liido

Dib ukabashada muqdisho waxaa laga sareemaa goobaha muhiimka ah sida garoonka diyaarada muqdisho dekeda iyo madaxtooyada Fila soomaaliya.

Markii la fiiriyo dib ukabshada muqdisho waxaa jirta gooba wili bur bursan oo dowlada awoodeeda aysan wili gaarin waxaana ka mid ah jidka wershadaha waxaana halkaasi ka ag dhaw gooba muhiim ah sida wershada taraqa iyo sigaarka wershada baastada wershada balaastikaga soomaaliya iyo xaruma kale oo muhiim ah.

DSC018771-640x480

Soomaaliya waa dal barwaaqaysan hadana waxaa jirta in dadkiisu aysan ka muuqan colaadaha ragaadiyay dalka.

2016-06-15-15-05-32-021

W/Q Weriye Maxamed Xuseen Axmed [DAACAD}

Related posts

Guddoonka Gobolka Benaadir oo munaasabad maamuus ah u sameeyey Da’yartii Xulka Qaranka ee ka qeyb galay Koobkii Bariga iyo Bartamaha.(Sawirro)

admin

TOOS U DAAWO: Baarlamaanka soomaliya oo Hada cod kalsooni ah u qaadaya ra’isul wasaaraha magacaban

Tifaftiraha K24

SAWIRO: Wafdi ka Socoda Khadar oo Muqdisho Gaaray & Dekadda Hobyo oo Bilaabaneysa.

admin