Somali News

Wararkii ugu danbeeyey Dagaal Ka Dhacay Gobolka Galgaduud.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal maanta ka dhacay deegaanka Mirxaley oo u dhexeeya degmooyinka Caabudwaaqo iyo Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo u dhexeeyey labo maleeshiyo Beeleed ayaa yimid, kadib markii ay isku qabeen labada dhinac barkad biyood laga qodayey deegaankaasi.

Ugu yaraan illaa afar ruux ayaa ku dhimatay dagaalkaan, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli goobihii lagu dagaalamay isku hor fadhiya maleeshiyaadka labada dhinac

Related posts

Top News: Kenya Oo Kashiftey Sir Badan Oo Ay Al-shabaab Ka Wado Gudaha Kenya (Maxay Tolow Tahay???)

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Cali Guudlaawe oo isugu Yeeray Saraaiisha Xooga Dalka iyo Kuwa Amisom Muxuuse kala hadlay????

Tifaftiraha K24

Banaan Bax Ruxay Gaal-kacyo

admin