Wararkii ugu danbeeyay Masjid lagu raaseeyay Magaalada.

0

Nin hubeesan oon wali heybtiisa la garan ayaa rasaas aan khasaaro geesan ku furay masjid kuyaala magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska, arintan ayaana dhacday xili la dukanayay xalay salaada taraawiixda.

Booliiska magaalada London ayaa lagu wargaliyay in nin hubeesan uu damacsan yahay in uu galo gudaha masaajid kuyaala xaafada Seven Kings ee magaalada London.

Qaar kamid ah dadkii ku cibaadeesanayay masjidka ayaa la sheegay in ninka hubeesan ka hor istaageen in uu galo gudaha Masjidka, waxaana markaas kadib la maqlay rasaas.