Wararkii ugu danbeeyay magacaabista golaha wasiirada ee maamulka koofur galbeed

0

Maalmaha soo socda ayaa lagu waddaa in lagu dhawaaqo Golaha Wasiiradda maamulka Koonfur Galbeed, waxana Magaalada Baydhabo ka socda diyaargarowgii ugu dambeeyay.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Saacaddihii ugu dambeeyay ku jiray kulamo wadatashi ah oo ku aadan ku dhawaaqista Golaha Wasiiradda

Afhayeenka Madaxtooyadda Koonfur Galbeed Nuuradiin Gacmo ayaa  sheegay in Madaxweynaha uu soo gabagabeeyay kulamadii watashiyadda ahaa, islamarkaana lagu dhawaaqi doono Wasiiradda.

Wasiiradda cusub ee maamulka Koonfur Galbed ayaa lagu rajo weyn yahay in ay wax badan ka duwanaan doonaan Wasiiradii hadda joogay oo aad u badnaa.