Wararkii ugu danbeeyay magaalada Jigjiga xili rabashado xoogan iyo rasaas laga maqlay

0

Maxamed Cali Xasan Taliyaha Booliiska Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa ka hadlay rabshadihii ka dhacay Magaalada Jigjiga.

Waxa uu dusha ka saaray Maamulkii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar oo uu sheegay in ay doonayaan hagal daacinta isbadalka jira sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada ammaanka ayuu tilmaamay Taliye Maxamed in ay ka feejigan yihiin wax waliba oo dhaawici kara Ammaanka, Hormarka iyo Is dhexgalka Soomaalida iyo Bulshooyinka kale ee Itoobiya.

Maxamed Cali Xasan Taliyaha Booliiska Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa intaa ku daray in marwaliba ay jiraan shaqsiyaad isku dayaya abuurista rabshado iyo isku dhacyo bulsho.

Madaxweynihii Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa u xiran tacadiyo lagu eedeeyay in uu ka geystay Magaalooyin ay ku jirto Jigjiga.