Animation

Wararkii ugu dambeeyay: Weerar isugu jira qaraxyo iyo dagaal toos ah oo ka socda hotel caan ah oo ku yaala muqdisho

no responses
Wednesday June 14, 2017 - 7:38 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray maqaaxi ku taala dagmada hodan ee gobolka banaadir.

Maqaaxida la weeraray ayaa waxaa lagu magacaabaa Posh Treats oo ku dhaw Isgoyska Banaadir ee M/Muqdisho.

Maqaaxida ayaa markii hore waxaa lagu dhuftay Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,waxaana intaas ka dib Gudaha u galay rag hubeysan oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Inta badan maqaayadaan waxaa isugu yimaadaan dhalinyarada iyadoona ay tahay meel lagu caweeyo xiliyada habeenkii ah.

Qaraxa markuu dhacay hotelka waxaa gudaha u galay dagaalamaayal hubeysan oo rasaas ka dhex bilaabay gudaha maqaayada oo qeybo badan ka kooban.

Dagaalamayaasha ayaa mudo gudaha ku jiray waxaana goobta gaaray ciidamada ammaanka oo xiray dhamaan waddooyinka maqaayada soo gala.

Shaqaalaha Hotelka Posh ayaa intooda badan ah Ajaaniib, badankooda ka soo jeeda Dalka Itoobiya.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo maqaayada ayaa waxa ay sheegayan in ciidamada ammaanka ay guud ahaanba la wareegeen maqaayada dableydii weerarka soo qaadayna la toogtay.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhimatay weerarka 4 ruux halka dhaawaca uu gaarayo  10 ruux sida wararka ugu dambeeyay aan ku helnay.

Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka cawada lagu qaaday hotelka iyo maqaayada posh.

Shabaabka waxa ay sheegeen in maqaayada ay aheyd meel lagu tunto oo ajaanib ay ka shaqeeyaan waxaana ay shaaciyeen in weerarka hadafkii laga lahaay uu guuleystay.