Wararkii Ugu Dambeeyay Weerar Culus oo Alshabaab ay caawa ku qaadeen D.Buurdhuubo ee Gobolka Gedo

0

Dagaallamayaal ka tirsan Alshabaab ayaa caawa weerar culus ku qaaday dagmada buurdhuubo ee gobolka Gedo.

Dagaal culus ayaa waxa uu dhexmaray Xoogaggii alshabaab ee weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Itoobiya.

Dagaalka oo markii hore ka soo bilowday banaanka hore ee dagmada buurdhuubo ayaa kusoo fiday xaafaddaha magaalada waxaana rasaasta laga maqlaayay meelaha ka fog fog halka uu dagaalku ka socday.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka oo aan si rasmi ah loo ogaan karin maadama xili habeen ah ay tahay ayaa warar hordhac oo soo baxaya waxa ay sheegayan in laba ruux oo rayid ah ay ku dhinteen Rasaastii labada dhinac is weydaarsanayen.

Abaanduulaha qeybta 43-aad ee ciidamada xoogga dalka Gaashaanle sare Cusmaan Xaaji Aadan ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada xoogga dalka ay iska difaaceen weerarka uga yimid dagaallamayaasha alshabaab waxaana abaanduulaha uu sheegay in dagaalka ay ku dileen 13 dagaallame oo alshabaab ka tirsan.

Alshabaab dhankooda weli kama aysan hadlin dagaalka ay ku qaadeen dagmada buurdhoobo ee Gobolka Gedo.