Wararkii Ugu Dambeeyay Qasaaraha ka dhashay Dagaalkii dhexmaray Nabad Sugidda iyo Milatariga Imaaraadka uu tababaray

0

Saakay barqadii waxaa Is-rasaaseyn muddo socotay Dagmada Hodan ku dhexmartay Ciidamada Nabad sugidda iyo Ciidamo uu Imaaraat-ka tababaray.

Is-rasaaseyntu waxa ay ka dhacday nawaaxiga isgooyska tarabuunka ee dagmada hodan waxaana dagaalka uu yimid ka gadaal markii ciidamada xasilinta caasimadda ee nabad sugidda ay isku dayeen in ay ka gudbaan bar koontatool oo ciidamada Imaaraat-ka tababaray ay sameysteen balse markii ciidamada Nabad sugidda loo diiday in ay koontaroolka ka gudbaan ayaa waxaa ka dhashay Is-rasaaseyn xooggan oo socotay mudo 30 daqiiqo ku dhaw.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Is-rasaaseynta ay ku dhinteen ilaa 4 ruux oo laba kamid ah ay shacab yihiin halka labada kale ay yihiin dhinacyadii dagaallamay.

Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo gaaraya ilaa 6 ruux oo shacab iyo ciidamadii dagaallamay isku jira waxaana dagaalka soo kala dhexgalay oo xaaladda dajiyay saraakiisha ciidamada xoogga dalka soomalia oo gaaray halka lagu dagaallamay.