Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax goordhaw lala beegsaday Nawaaxiga Xarunta Baarlamaanka+Sawirro

0

Qaraxa wuxuu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu waday nin naftii dile ah waxaana uu ka dhacay koontarool ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin isgooyska sayidka oo u dhaw xarunta golaha shacabka ee baarlamaanka soomalia.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay in uu ku jiray saf dheer oo baabuurta lagu baaro waxaana uu qarxay inta ay ciidamada ammaanka ay baarista ku wadeen gaadiidka nooca raaxada ah ee wadada isticmaala.

Qasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa jirta balse weli si dhab ah looma xaqiijin qasaaraha inta uu la egyahay.

Ciidamada ku sugnaa Barta Kontorool ayaa qaraxa kadib riday rasaas fara badan oo ay kaga jawaabayaan qaraxa dhacay, waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay ka akdhaw xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha.