Somali News

Wararkii ugu dambeeyay Qarax ay ku dhinteen askar dowladda ka tirsan oo ka dhacay dagmada kaxda

Qarax miino ayaa ciidamada dowladda lagula eegtay deegaanka weydoow qeybta xigta dagmada kaxda ee gobolka banaadir.

Qaraxa waxaa ku geeriyooday 6 askari oo gaariga miinada ay la kacday saarnaay halka uu dhaawac soo gaaray hal askari.

Deegaanka weydoow ee qaraxa uu ka dhacay waxaa dagan dad badan oo horay uga barakacay dagaalladii horay muqdisho uga dhacay deegaan ayey ka dhigteen.

Wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa ka dhaca qaraxyada ay Dhulka ku aasaan dagaalamayaasha Shabaab kuwaasoo khasaare lagu gaarsiiyo Gawaarida Ciidanka iyo Kuwa ay wataan Masuuliyiinta Dowladda.

 

Related posts

Golaha wasiirada Jubbalan oo go’aan ka gaaray mustaqbalka xaafada GUULWADE ee Kismaayo

admin

Daawo: Xogtii ugu dambeysay diyaaraddii kusoo dhacday garoonka muqdisho iyo AMISOM oo…..

Tifaftiraha K24

AQRISO: Document-gii Is-casilaada looga dalbaday Xasan Sheekh (Dhammaan magacyada & saxiixa xildhibaanada)

admin