Wararkii ugu dambeeyay Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

0

Waxaa isa soo taraya hadal heynta ku aadan mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali gacal Casar.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta oo Arbaco ah kulan ku leh magaalada Dhuusamareeb, kaasoo ay kaga doodayaan Mooshinka laga keenay Guddoomiye Cali Gacal Casir.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay guddoomiye cali gacan casar in uu gudan waayay shaqadii loo igmaday.

Guddoomiye cali gacal ayaa sharci darro ku tilmaamay mooshinka ay keeneen dad uu ku sheegay in aysan aheyn xildhibaanno.

“Raga la leeyahay mooshin ayay keeneen, ma ahan Xildhibaano, liiskooda ma arag, sharcina ma ahan, waa dad deegaankooda jooga oo mooshin ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka”ayuu yiri Cali Gacal Casir.

Waxaa uu sheegay in dib u heshiisiin ay socotay, isla markaana uusan garaneyn sababaha loola ordayo mooshin, waxaana uu tilmaamay in tani ay keeneyso khilaaf iyo kala tag ku yimaada maamulka Galmudug oo uu xusay in 11 qabiil ay isku tagtay oo hal maamul ku midoobay.