Animation

Wararkii Ugu Dambeeyay Magaalada Beled-weyne Maxaase Cawada laga soo sheegaya Duleedka Magaalada????

one response
Monday November 21, 2016 - 8:58 under Somali News by Tifaftiraha K24

Dagaal u dhaxeeya Laba Maleeshiyo Beeleed ayaa Galabta waxa uu ka qarxay Duleedka Magaalada Beled-weyne ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxa uu Galabta ka dhacay Deegaan lagu Magacaabo Doon-Maleyka oo Qiyaastii 11km dhinaca galbeed uga beegan magaalada Beledweyne.

Wararka Dagaalka laga helaayo ayaa waxa ay sheegayan in dagaalka uu Salka ku haayo Aanoqabiil iyo Dilal Horay siyaabo kala duwan uga dhacay Deegaanada Miyiga iyo Weliba Gudaha Magaalada Beled-weyne.

Dadkii Xoola Dhaqatada ahaa ee ku Noolaa Deegaanka lagu Dagaalamay ayaa isaga Barakacy Halkaasi waxaana Dagaalka uu Sababay Qasaaro kala duwan Inakasto Xogta qasaaraha Dagaalka aan weli si Rasmi ah Loo helin.

Dagaalka oo Intiisa Badan lagu saleynaayo Dilal iyo Aanooyin qabiil ayaa Watqi xaadirkan wuxuu kusoo beegmaya Iyadoo Maalin ka hor Magaalada Beled-weyne lagu dilay Nin Ganacsade ah .

Dilka Ganacsadaha waxaa xigay Dil kale oo Duleedka Beled-weyne loogu geestay Nin kale waxaana Labada Ruux ee La dilay ay kasoo Jeedaan Beelaha Galabta ku dagaalamay Magaalada Beled-weyne.

Waxgaradka iyo Oadayaasha Labada dhinac ayaa waxa ay wadaan Waan waan iyo dadaalo lagu joojinaayo Dagaalka iyadoona laga hortagaayo in Markale Maleeshiyaadkan ay Magaalada ku dagaalaman.